Somalia Oo Haweenay Safiir ah u Magacowday Dalka Ciraaq
Muqdisho:June,12,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Somalia, ayaa markii ugu horraysay Dalka ciraaq u magacowday safiir Haween ah.
Haweenayda loo magacaabay Safiirka Somalida dalka ciraaq u fadhiyi doonta, ayaa gaadhay Magaalada Baghdad, waxana ay kulan la qaadatay wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalkaasi Ciraaq.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Khadiija Al-Makhzuomi ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ku wareejisay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ciraaq Mr. Ibrahim Al-Jaafari.
Haweeneyda dalka Ciraaq u fadhiyeysa Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay leedahay aqoonta diblomaasiyadda, isla markaana hore uga soo shaqeysay howlaha arrimaha dibadda.
Warkan oo lagu shaaciyay warbaahinta Dowladda Ciraaq ayaa lagu sheegay in kulanka dhex maray Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq iyo Wasiirka arrimaha dibadda inuu yahay mid xoojinaya xidhiidhka labada dal.
Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa waxaa soo wanaagsanaanaya iskaashigooda dhinacyada badnaa iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa, kaddib wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya muddo ka badan 22-sano.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com