Madaxweyne Geelaha Jabuuti oo Xadhiga ka Jaray Tareen isku Xidha Jabuuti Iyo Itoobiya
Jabuuti 12.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dalka Jabuti Ismacil Cumar Geelle ayaa xariga ka jray qad tareen oo isku xira wadamada Jabuti iyo Ethiopia.
Tareenkan cusub ayaa hirgelintiisa oo socotay muddo sanooyin ah ayaa waxaa hirgelisay dowlada Shiinaha iyadoo madaxweyne Ismacil Cumar Geelle oo qudbad ka jeediyay munaasabadii furitaanka tareenka ah ayaa u mahadceliyay dowlada Shiinaha gacanta ay ka geysteen hirgelinta xadiidka tareenka ah.
“Dalka Shiinaha waa dal aan saaxibnahay ciddii nagu nacyso ha nagu nacdo.”ayuu yiri Geelle oo ka hadlayay eedeeymo loogu soo jeediyay iskaashiga ay la leeyihiin dalka Shiinaha.
Qadkani ayaa waxa uu dhanyahay 752 km waxana uu Itoobiya ka caawin doonto in badeecooyinka ka soo dega dekada Jabuuti ay si sahlan ku gaaraan.
Illaa 10 saacadood oo kaliya ayay hadda qaadan doontaa in loo kala goosho magaalooyinka Addis Ababa iyo Jabuuti, halka markii hore ay qaadan jirtey muddo 2 maalmood waxaana la isticmaali jiray waddo buuro dusheeda iyo qarfo ah.
Qadkani oo ku shaqeeya danabta quwadda korontada ayaa waxa ay waxa ay awooddiisa dhantahay in uu xamilo xamuul gaaraya illaa 3500 oo tan. Qadka cusub ee tareenka ayaa waxaa laga dul dhisey qadkii hore ee tareenka ee Faransiiska iyo Itoobiya ay wada dhiseen sanadkii 1917-kii, kaasi oo shaqada joojiyey.