|

Muwaadin Somaliland u dhashay oo Xirfad ay u Tahay Kabo-Tolista Balse Markii Dembe Noqday Xildhibaan WARBIXIN

Boorama 12.June 2015 (SDN/QJ)-

Muwaadin Kabo Tole ahaa Markii danbana Noqday Xildhibaan Boorama laga doortay Warbixin Xiiso Leh

Hargeysa 12.June 2015 (SDN/QJ)- Nolosha aadamaha ayaa ah mid leh marxalado qaarkood ay adag yihiin, halka laga yaabo in qofka ay soo maraan marxalado nololeed oo uu mabsuud ka noqdo. Cabdi Cawl waxa uu hore u lahaa xirfad ah inuu ka shaqeeyo kabo tolista, laakiin wuxuu hore u gaadhay martabad ah inuu noqdo siyaasi ka mid ah siyaasiyiinta heer gobol ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Isaga oo muddo toban sannadood ah hawshaas ku jiray.

Cabdi Cawl waxa uu ka mid noqday golayaashii deegaanka ee u horeeyey ee dadka reer Somaliland codkooda ku soo doortaan 15-kii December ee sanadkii 2002-dii, isaga oo urur siyasadeedkii ASAD uga soo baxay golaha deegaanka ee degmada Borama. Ka hor xildhibaannimadiisa waxa xiiso leh in xirfadda shaqo Cabdi ay sidaynu kor ku sheegnay ahayd Kabo tolis ama kaboolle, hase yeeshee markii ay ka dhammaatay muddadii uu xildhibaanka ahaa waxa xusid mudan inaanu ka tegin shaqadiisii balse uu dib ugu laabtay, isaga oo muujiyey in inuu ku faraxsan yahay in uu mar kale dib ugu soo noqdo isaga oo waqti xaadirkan hawshiisii kabo tolisnimo ka haya waddooyinka magaaladda Boorama.

Cabdi Waa Kuma

Waa shaqsi waxbarshada ka gaadhay heerka dugsiga sare. Waxa ay hiddo ama dhaqan u leeyihiin dadka uu ka soo jeedaa shaqada ah kabo tollista, waxaana haatan uu kabaha ku tolaa badhtamaha magaaladda Boorama taas oo uu nolol maalimeedkiisa ka soo saarto.

Xog-waran Ku Dayasho Mudan Oo Cabdi Bixiyey

Cabdi Cawl ayaa si faahfaahsan uga xog bixiyey heerkiisa nololeed, waxbarasho, shaqo iyo hankiisa siyaasadeed ee uu markii dembe gaadhay. Kaas oo uu bulshada u jideeyey sunne uu bulshada ku meteli karo. Ugu horeyn Cabdi Cawl oo  ka waramaya taariikh nololeedkiisa ayaa ku bilaabay: “Taariikh nololeedkayga waxaan ku soo qaatay Camuud Uullo ilaa dugsi sare, form One-keygii ilaa Foom Four-keygiina waxaan ahaa runtii macalin isla dugsigii aan ka soo baxay ee hoose dhexe wax ka dhiga, ka dib waxa dhacday markaas aniga oo macalin ah in burburkii dhacay, runtii hawshan baan gudo galay aan ku jiro maanta ee kabo tolida, taas oo runtii aan hiddo ahaanna u leenahay markaad eegto qabiil ahaan aan ka soo jeedo farsamada aan qabano noloshayadana aan ku soo qaadano”. Sidaa ayuu yidhi Cabdi Cawl, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka warramay marxaladiisii hore  inuu go’aansaday inuu ka war doono bal inuu wax uun ama mas’uul ka noqdo Somaliland. Waa kan isaga oo fasirfaya sida ay rejadaasi ugu suurto gashay “ka bacdi waxa dhacday sidii aan ugu jiray kabo tolista inaan haddana jaanis helay aan ku noqday xildhibaan golaha deegaanka ee degmada Boorama oo ah xildhibaanadii ugu horeeyay, waxaanan ka soo baxay xisbigii la odhan jiray ASAD, ka dib markii uu xisbigii hadhayna waxaan ku biiray xisbul-xaakimkii waagaas talada dalka hayay ee UDUB ee uu madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, Runtiina dadkii wakhtigaas soo qaatay ayaanu ahayn.”.

Qof walba wax baa ku khasba in uu tartamo ama uu xil qabto haddaba maxaa ku kelifay Cabdi in uu isku soo taago xilkaas? Yaase ku dhaliyay fikiraas ah inuu matalo bulsho dhan oo uu noqdo musharax u taagan xilka xildhibaan gole deegaan ah.? Mar kale Cabdi oo jawaab ka bixinaya ayaa yidhi; “horta fikirku aniga shaqsiyan ayuu iga yimid, dad badan oo bulshada ka mid ahna waa ay igu garab galeen, ilaa imikadaana kama hadhsani inaan haddii ay timaado doorasho oo wakhtiga iyo dhaqaaluhu ii samaxaan isa soo taago. Koley imika bahashii oo aad moodo in si kale loo dhigay oo cani reer reer ay tahay runtii oo runtii taas markaan eegana aan munaasib annaga nagu ahayn, oo dee dad maanta dadkaa la tartami kara runtii aanaan ahayn, haddana inaanu intii itaalkayaga ah aanu isku dayno.”. Cabdi cawl waxa u rumowday rajo iyo riyadiisii oo uu in badan jeclaa inuu arko ama uu matalo bulsho isaga oo tusaale iyo dhiiri gelinba u noqday dadka la hayb sooco. Haddaba muxuuse ka aamin sanaa siyaasada ka hor intii aanu xilka qaban, mase jiraan caqabado uu la kulmay intii uu ku gudo jiray hawshiisa?. Waxa uu Cabdi ku jawaabay “taasi horta wax saasi ah oo naga hor yimidi may jirin laakiin kolay waxa ay ahayd hawl nagu cusub gebi ahaan golaha oo dhan. Runtii Siminaaro badan iyo wacyi gelin badan oo runtii imika waxaan hayaa laba iyo toban buug oo ka hadlaya waxa maanta ka taagan dalkeena population ahaan haddii laba qof ay is qabsadaan sidaad u maslixi lahayd.”

Cabdi Cawl waxa uu galay nolol ay dadku u arkayeen inay ka wanaagsan tahay tii uu hore ugu jiray. Hadaba maxaa iska beddelay noloshiisii maadaama uu galay nolol aanu weligii hore u arag iyo jawi ka duwan kii uu hore ugu jiray.? Waxaana isagoo ka jawaabaya Cabdi uu yidhi; “horta haddii aan dib kuugu yar noqdo, waxaan ahaa ka gole deegaan ahaan shaqsigii keli ahaa ilaa alaankaa imika dadkaa la hayb sooco ee laga tirada badan yahay runtii xildhibaankii kelli ahaa ee ka soo baxay, wadanka oo dhan guud ahaan Somaliland, runtii aad baanu ugu faraxnay dadkaa haddaanu nahay maadaama aanu hadda talaabsanay, waxaanan rajeynayaa kuwa iga dambeeya iyo kuwa kaleba sidaan hore idiinku sheegay ee doorashooyinkii dhawaan oonu laba isku soo sharaxnay markaa waxa laga yaaba kuwa dambe inaanu saddex,Afar isku soo sharaxno”. Wakhtiga iyo waayaha ayaa is jara oo waxaa dhamaaday xiligii bulshada iyo dawladda ay u xil saarteen xilka xildhibaan gole deegaan, Cabdi Cawl iyo xubnihii uu ka tirsanaa xilkii waa ay ka degeen. Haddaba muxuu hayaa oo uu ka shaqeeyaa ee wakhti xaadirkan uu Cabdi Cawl noloshiisa ku dabaraa, mar haddii uu soo maray marxalad nololeed oo aanu abid arag?. “aad baanu u faa’iidnay waayo waxaanu ahayn dad codka shacabka soo doortay oo codka dadka ku fadhiyey oo bulshada metela.”. Cabdi Cawl muddo dheer ayuu ahaa shaqsi xil u hayay bulshada, waxaana uu hadda ku soo noqday booskiisii hore. Haddaba maxay tahay sababta ka dambeysa inuu dib ugu soo noqdo nolol uu hore uga baxay? Muxuu u samaysan waayay nolol ta haatan ka duwan?. “horta waxa weeyi anigu fikir qalad ah baan u arkaa dadkaa wax ka dhistay runtii, in aan dadkayga ka dhex baxo oo aan is idhaahdo waad ka sareysaana ma ogoli, waayo Beri ka maalin yaan ka sugayaa inay wax ii qabtaan, inay I doortaan, inay I garab istaagaan waa dadka.” Waxaa dhacda marka uu ku gudo jiro shaqadiisa caadiga ah ee kabo tolista in dadku ay weydiiyaan su’aalo ay ku adag tahay inuu ka jawaabo kuwaas oo ku salaysan maxaa ku soo celiyay shaqadan uu mar hore ka tagey ee uu ka dalacay.

Haddaba side ayuu u arkaa su’aalahaasi in la weydiiyo? Muxuuse ku qanciyaa dadkaas weydiiya su’aalo noocaas ah?. “dad baa odhanayaa waar ma adigoo xildhibaan ahaa ayaad kabo tolistii ku soo noqotay, waxaanan ugu jawaabaa ama aan dadkeyga qaarkood ku qanciyaa; waar maanta haddii aan dhoofo oo aan Maraykanka tago aniga ilama qurux badna dee inaan guri ka dhisto Ameerika, because waxaan rabaa inaan soo shaqeysto oon wadankaygii aan ka dhisto, macnaha inaan xil raadsan karo ayaan kaaga wadaa hawsheedii aniga oo wata oo dadkayga ka mid ah runtiina la jaanqaadaya oo ku baraarujinaya waar umada aynu wax la qaybsano intii karaankeena ah.”.

Warbixintan waxa laga sii daayay Radio Hirad oo Ay Soo Saarto FPU

Comments are closed