“Arrinta Dagaalka Yemen Ka Socda Kamuu Mid Ahayn, Qodobada Aanu Heshiiska Ka Gadhaanay Imaaraadka” Wasiir Cukuse
Dubai 12.June 2015 (SDN/QJ)-Xukumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay qayb ka ahayn xulufada dagaalada kula jira kooxda Xuutiyiinta ee dagaalada ka wada dalka Yemen, iyada oo arrintaas lala xidhiidhiyay safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo ku joogaan dalka Imaaraadka.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Imaaraadka oo u waramay Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaaliga ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan xaqiiq ahayn.
“Ilaa hadda waxyaabaha aanu ka wada hadalnay Imaaraadka carabtu waxay ku kooban yihiin xidhiidhka labada dal iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, arrinta dagaalka Yemen ka socdaa kamuu mid ahayn qodobada aanu heshiiska ka gaadhnay ama aanu ka wada hadalnay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse
Wasiir Cukuse waxa uu intaas ku daray “Anagu beesha caalamka ayaanu dhinac la nahay dagaalka Yemen ka socda, hore mawqifkayaga waanu u caddaynay laakiin, waxaaba hadda mushkilad nagu ah qaxoontiga nagu soo qulqulaya iyo awoodayada dhaqaale oo diciif ah, Imaaraadkana waanu uga mahadnaqaynaa inay gacan naga siin doonaan” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.