Saansaan Colaadeed Oo Laga Dareemayo Jiidda u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland Iyo Ciidamo Hubaysan Oo Labada Dhinac Xuduudda Kusoo Taxeen
Tukarraq:June,11,2015(SDN/QJ)-Saansaan Colaadeed, ayaa laga dareemayaa Deegaanada Bariga Gobolka Sool, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland dhaqdhaqaaqyo isku liddi ah ka wadeen.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno degmada Tukarraq oo dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood, isla-markaana ay ciidanka qaranka somaliland ku ruqaansadeen, waxa dhinaca kale dhaqdhaqaaqyo wada kuwa Maamulka Puntland, waxana laga cabsi qabaa in dagaal halkaas uu ku dhexmaro labada dhinac.
Xukumada Soomaaliland Ayaa Xiqijiyey Iney Jiraan Dhaq dhaqdhaqaaqydaas Ciidan, Waxaaney Maamulka Puntland Ugu Baaqdey Iney Ka Waan Toobaan Hurinta Colaado Ka Istaadhma Jiida Udhaxeysa Dawlada Somaaliland Iyo Maamulka Puntland, Sidoo Kale Iney Ilaaliyaan Jaarnimada Hadii Kalana Ay Somaaliland Taas Badalkeeda Uga digeyso Dhirbaaxo Cawaaqib Xuma Keenta Oo Ku Dhuftaan Maamulka Dulaanka Wada Ee Puntland,
Warar lagu kalsoon yahay oo ka soo baxayaa dhinaca Somaliland ayaa tilmaamaya inay Ciidamada Somaliland ay Heegan Culus Ugu Jiraan Sidii Ay Isaga Difaaci Lahaayeen Cidii Lid Ku Ah Nabada Ay Somaliland Ku Soo Nabad Iyo Caano Maashay.
Maamulka Puntland, ayaan iyagu wali wax war ah kasoo saarin colaaddan soo cusboonaatay, waxase la filayaa inay ilaa maanta hadal kasoo saaraan.
Inta badan waxa dhacda inay isku dhacaan Ciidamada meelaha isku dhaw jooga ee Ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland, waxana muranku ka dhacaa arrimo salka ku haya dhinaca sheegashada dhulka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com