|

Daacish Oo Maxbuus ay Hayeen Ku Qasbay Inuu Xabaashiisa Gacanta ku Qoto ka hor Intii Aanay Tooganin

Sinai:June,11,2015(SDN/QJ)-Garab katirsan Ururka Daacish oo ka dagaallama Gudaha waddanka Masar, ayaa soo bandhigay muuqaal iyo sawirro muujinaya Hannaan ay ula dhaqmeen Maxbuus ay basaasnimo ku eedeeyeen kahor intii aanay toganin.

XUBOSawirrada lasoo bandhiay, ayaa muujinaya maxbuus qodanaya xabaashii lagu aasi lahaa kahor intii aan la toogan, waxana ninkaas lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa Sirdoonka Yuhuudda ee Mosad.

Waxaana Sawiro iyo Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ay isticmaalaan Xoogaga Islaamiyiinta ayaa lagu soo bandhigay nin loo xidhay dharka Maxaabiista kaas oo qodanaya godkii lagu aasi lahaa, waxaana ninkan markii uu qotay godka kadib nin bistoolad ku hubaysnaa uu ka toogtay Madaxa kadibna ku aasay godkii uu qotay ninka la dilay.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Siiriya iyo Ciraaq ayaa dhawaan ficilkan oo kale ku dhaqaaqday iyagoona ku qasbay maxaabiis ay tooganayeen in ay qotaan godkii lagu aasi marka la dilo kadib.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed