|

Kenya:126-Macallin Oo Shaqadoodii Waayey, kadib Markii Lagu Eedeeyey Inay Faroxumeeyeen Ardaydii ay Wax u Dhigayeen

Nairobi:June,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda dalka Kenya, ayaa si rasmi ah shaqada uga caydhisay ugu yaraan 126-macallin oo Dugsiyada waddankaas wax ka dhigi jirey, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku kaceen anshax xumo baahsan.

harraMacallimiintan, ayaa la sheegayaa in  lagu helay faro-xumayn ay u geysteen arday ay wax u dhigayeen, waxana go’aan lagu gaadhay inaanay ubadka la barbaarinayo kasii hormuuqan dooonin.

Guddi ay leeyihiin macalimiinta dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in macalimiintan aanan loo oggoleyn in ay markale wax ka dhigaan iskuulo ku yaal dalka Kenya.

Hase yeeshee hay’adaha u dooda daryeelida carruurta dalka Kenya ayaa waxa ay ugu baaqeen xeer ilaaliyaha qaranka dalka Kenya in sharciga la horkeeno macalimiintaas anshax darrada kula kacay ardaydooda si aanay u xumeyn mustaqabalka carruur kale.

Ma aha markii ugu horeysay ee shaqada laga eryo macalimiin lagu soo eedeeyay fal anshax darro ah waxana hore shaqada loogaga eryay macalimiin gaadheysa kun macalin.

Hase yeeshee guddiga ay leeyihiin macalimiinta dalka Kenya ayaa macalinkii lagu eedeeyo faroxumeyn uu ka bedeli jirey halka ay ka dhacday faro xumeynta loo geystey ardayda dheddiga ah. Madaxa guddiga macalimiinta ayaa sheegay in ay ilaalin doonaan in macalimiinta aanay xitaa ka shaqeyn dugsiyada gaarka loo leeyahay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed