|

Ergeyga USN u fadhiya Canada ka codsaday in ay gacan ka siiso dhaqan gelinta heshiiskii Mucaaridka iyo Xukuumada Jabuuti

Ottawa June 11,20159SDN/QJ)-Ergeyga dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN u fadhiya dalka Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole ayaa kulan uu la yeeshay la taliyaha Wasiirka Arrimaha Dibeeda ee Canada waxa uu kala hadlay xaaladihii u danbeeyay ee dalka Jamhuuriyada Jabuuri.

Ergeyga USN ee Canada Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole oo uu weheliyay Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir ayaa la taliyaha Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Canada Egan Lamont ka codsaday in Canada ay gacan ka siiso Mucaaridka Jabuuti sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii ay lixda bilood ka hor kala sexeexdeen mucaaridka iyo muxaafidka Jabuuti.

Heshiiska ayaa ay mucaaridku sheegeen in ay xukuumada Ismaaciil Cumar Geedi ay ka cago jiideyso in ay hirgeliso.

Mr Lamont ayaa sheegay in codsiga masuuliyiinta USN uu u gudbin doona Wasiirka Arrimiha Dibedda ee Canada isla markaana ay Canadi door ka ciyaari doonto isku soo dhaweynta mucaaridka iyo Xukuumada Jabuuti.

Ergeyga USC ee Canada Xuseen Cabdiraxmaan Cadoole iyo Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir ayaa sidoo kale Mr Lamont la socodsii ya in ay la socdaan xaaladaha guud ee Qurbejooga reer Jabuuti ee dalkooda booqashada ku taga.

Khaastan waxa masuuliyiintu isla soo qaadeen Fanaanada weyn ee reer Jabuuti Nimco Jaamac oo haatan booqasho ku joogta dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Comments are closed