|

“Xukuumadda Siilaanyo Waxaan uga digay inay Carqaladayso Heshiiska Beelaha Qori-lugud & Buuhoodle” Xildhibaan Siciid C.Rooble DAAWO

Hargeysa 11.June 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inuu hambalyo u dirayo Beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle oo heshiis ka gaadhay colaado u dhexeeyey, isla markaana waxa uu Xukuumadda talada haysa uga digay inay ka deyso heshiiskaas faro-gelinta Siyaasadeed iyo carqaladaynta-ba sida uu hadalka u dhigay.

Md. Siciid Cilmi Rooble oo maanta Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Heshiiskaas nabadeed ee labada Beelood ee Qori-lugud iyo Buuhoodle dhex-maray yahay mid taariikhi ah oo u baahan ina la taageero oo lagu hambalyeeyo beelaha gaadhay, balse uu sidoo kale u baahan yahay in faro-gelinta iyo carqaladaynta siyaasadeed laga ilaaliyo si uu u noqdo mid midho-dhal ah oo hirgala.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed