Maansada Gole ka Baan,Dareenka Bulshada Nairobi iyo Qaabilaada Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska DAAWO
Nairobi 11.June 2015 (SDN/QJ)- Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya si balaadhan loogu soo dhaweeyay kadib markii uu safar ugu kicitimay Todobaadkan horaantiisii.
Xaflad aad qurux badan oo ay soo qaban-qaabiyeen Kooxda Fandhis iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Nairobi, taasoo ay ka soo qayb-galeen Abwaano taariikh dheer ku leh dhinaca Fanka iyo Suugaanta Soomaalida, Fanaaniin iyo Halabuurro ka tirsan Kooxda Fandhis oo ah Koox fankeedda aad looga daba-dhacay oo xaruntoodu ku taalo Magaalada Nairobi dalka Kenya iyo jaaliyad aad u tirro badan.
Abwaan Laabsaalax Wuxuu Maansadiisa Gole ka baan Tilmaan kaga bixiyay Cadaalada, Darada, Cunfiga, Sedburisiga, Eexda, Qabyaalada iyo Dhibaatooyinka Is biirsaday oo Somaliland ka Jira.
Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa Munaasibaddaa ka hadlay, isla markaanna u mahad-naqay guud ahaan jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka Kenya, gaar ahaan jaaliyadda reer Nairobi oo si qiimo leh u soo dhaweeyey, waxaanna hadalladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi
Nairobi SDN/QJ