Nidaam Casri ah oo lagu Diwaangelinayo Bukaanada Cisbitaalka Guud ee Hargaysa oo Midowga Yurub Hirgalinayo DAAWO
Hargeysa 11.June 2015 (SDN/QJ)- Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa la keenay qalab casri ah oo lagu diiwaangelinayo dadka bukaanka ah ee u baahan in adeega caafimaad loogu qabto, waxaannu qalabkan fududaynayaa culayska bulshada iyo hawlwadeennada caafimaad ka haystay diiwaangelinta dadka bukaanka ah ee cusbitaalka yimaad, iyadoo mashruucaasi yahay mid Midawga Yurub ku bixinayo taageero dhaqaale.
Qalaban casriga ah oo uu xadhigga ka jaray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xagla-toosiye maanta, waxa xafladda lagu soo bandhigay ka qaybgalay masuuliyiinta caafimaadka, hay’adaha caafimaadka qaabilsan iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa sheegay in qalabkan uu aad muhiim ugu yahay shacabka iyo cusbitaalkaba, waxaannu yidhi; “Kolay waxay noo tahay sharaf in la furo diiwaangalintii oo casri ah (utomatic) ee cusbitaalka guud ee Hargeysa oo dadka bukaanka ah marka bukaan-socod yimmaadaan in ay helayaan diiwaangelin elaktaroonig kombuyuutar ah ah oo uu qofku farta saarayo, marka dambana uu helayo nuxurkii iyo warkii loo baahnaa ee qofka, oo markasta oo uu soo noqdana ay suurtogal tahay in la helo xogtiisii.”
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaan xusay in qalabkan yahay mid casri ah oo aan hore waddanka u oolin, isagoo sheegay in tallaabadan qayb ka tahay dib-u-casriyeyn lagu samaynayo adeega caafimaad ee cusbitaalka, waxaannu yidhi; “Farxad wayn ayey noo tahay in cusbitaalku yeesho nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo bukaanka oo lagu wadayo maamulka, hadday noqoto xagga lacagta iyo hadday noqoto xaga shaqaalahaba, waa nidaam runtii beddeli doona nidaamka maamul ee cusbitaalka, soona kordhin doona adeegyo badan, wakhti badana baajin doona, waana markii ugu horaysay taariikhda ee nidaam noocan ah cusbitaalka ay ka hirgalaan, waana cusbitaalkii ugu horreeyey ee nasiib u hela. Waxa aan rajaynaynaa in aad looga faa’iido, xukuumadda uu madaxwaynaha ka yahay Axmed Maxamuud Silaanyo waa xukuumad horumar, sababtoo ah waad aragtaan meesha wax lamarinayo, Illaahay idankiina waxaan rajeenayaa inay halkaa ka sii socon doonto.”
Dhinaca kale, war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midawga Yurub ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabkada Qurbejoog.com , ayaa lagu sheegay in nidaamka diwaangelinta casriga ah ee laga bilaabay cusbitaal guud ee Hargeysa ay ku baxayso lacag dhan 1.5 milyan oo Euro (lacagta Yurub), waxaannu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Midowga Yurub iyo hay’adaha la shaqeeya, Dhakhtarka Guud ee Hargeysa, Xafiiska Qarammada Midoobay ee Adeegyadda Mashaariicda (UNOPS) iyo Terre Solidali waxay daahfureen Nidaamka diiwaangelinta bukaanka ee Dhakhtarka Guud ee Hargeysa.
Mashruuca oo ay ku baxday 1.5 milyan oo Euro ayaa ujeedadiisu ahayd in sare loogu qaado xaaladda caafimaad ee dadka badan ee isticmaalaha dhakhtarka, iyadoo sare loo qaado waxtarka, adeega, tayada, iyo joogtaynta adeegyadda Dhakhtarka Guud ee Hargeysa. Isticmaalka nidaamka casriga ah ee faraha sawiraya ayaa wuxuu sahlayaa in la helo xogta bukaanka ee waaxyaha caafimaadka sida (baadhitaanka, shaybaadhka, iyo dawooyinka) iyo ka faa’iidaysiga bukaanka ee adeegyadda dhakhtarka. Bukaanka, marka la diiwaangeliyo waxa la siinayaa warqada sugista, isla warqadaas ayaa loo isticmaalayaa in lagu bixiyo lacagta Qaybta Bukaan Socodka (OPD) si loo arko dhakhtarka haddana isla warqada ayaa lagu bixinayaa lacagta shaybaadhka iyo adeegyada kale ee loo baahan yahay.
Nidaamkan cusub wuxuu ka qayb ka yahay mashruuca guud ee Midowga Yurub ee la yidhaahdo “Taageerada Adeeg Bixinta Caafimaadka ee Dhakhtarka Guud ee Hargeisa” kaas oo ay ku jiraan nashqadaha kaabayaasha cusbitaalka, iibinta qalabka dhakhtarka iyo sidoo kale dhisida awooda dhinaca maamulka iyo xisaabaadka.”
Hargaysa SDN/QJ