“Qasriga dalka looga taliyo waar Habarjeclo-na kama taliso, koox reer ahina kama taliso, xukuumadduna way ka sal ballaadhan tahay. Kulmiye-na waa xisbi ballaadhan.”Wasiir Maxamuud Xaashi.
Hargeysa:June,10,2015(SDN/QJ)-Dood adag oo salka ku haysa Xaaladda Dalka iyo qardoofooyin siyaasadeed oo lasoo maray, ayaa habeenkii xalay dhexmartay Xubno siyaasiyiin ah oo wasiirro, mucaarid iyo Xildhibaanno iskugu jira, waxana lasoo bandhigay arrimo badan ooh ore dadka shacabka ah uga qarsoonaa.
Dooddan oo uu qabtay Telefishanka Star, isla-markaana uu daadihinayey Wariye Xamse Cali Bulbul, ayaa wax aka qaybqaatay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho-indho, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali-gurey iyo wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana la isla jeex jeeday meelo badan oo xiiso badan, iyadoo xubno qaarkood dibadda soo dhigeen arrimo sir ahaa ooh ore usoo dhexmaray.
Ugu horrayn Xildhibaan Indho-Indho oo hadalka qaatay, ayaa bannaanka keenay liidnimo uu xukuumadda ku arkay, taas oo uu xusay inuu markhaati ka yahay, “ducfiga xukuumadda dhexdeeda ayaa ii muuqda, waxana aan ogahay in xukuumadda dhexdeeda inay mucaaraddadu ka jirto waana in kooxda xukuumadda ku jirtaa isku xidhnaato waana xukuumaddii iyagu iskugu mucaaridka badnayd.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi oo doodda soo galay, ayaa carrabka ku adkeeyey inay xukuumad ahaan qiraal ka yihiin warwarka ka dhashay dibu-dhaca doorashooyinkii dalka ka qorshaysnaa, waxana uu yidhi,“waanu qiraynaa in beesha caalamku warwar ay ka muujinayso dibudhaca doorashadeena inay soo noqnoqotayna waa caddaan, laakiin taasi muujin mayso in somaliland laga quustay oo ay magac madow yeelatay.”
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur oo haatan katirsan Xisbiga Waddani, ayaa isagu ku adkaystay in waxqabad cidi sheegataa aanu ahayn wax ammaan iyo bogaadin lagu raadiyo, waxana uu hoosta ka xarriiqay in wanaagu yahay ilaalinta sharciyadda iyo dawladnimada waddanka, waxana uu yidhi,“Dhaliisha ku fogaan maayo oo xukuumaddaan shalay katirsanaa, cid aan wax qabatayna ma jirto oo waa wax soo socday, waxase la is weydiinayaa yaan wax qaban, runtiina cid aan wax qabanini ma jirtee tamarta waxqabad uun baa la kala badsaday, waxbaan qabtayna ammaan masuul kuma aha, waayo masuulka waxa loo igmaday inuu danta guud ka shaqeeyo, waxa uu wax ku qabtayna tamar uu leeyahay kuma uu keenini maalkii umadda laga qaaday ayuu wax ku qabtay.”
Mudane Duur oo Hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,
“Halka lagu faani karaa waa sharciyadda, xisaabtanka iyo hufnaanta waana halka laga eegi karo. Dawladnimadu waa raacista sharciga iyo dabagalka, halka dawladda aan katirsanaa laga dhaliili jirey imikana laga dhaliilaa waa Halkaas.”
Doodda Duur waxa si weyn uga Horyimi Wasiir Maxamuud Xaashi, waxa uu sheegay in indhaha Duur aanay xilligii uu xukuumadda jirey sidan wax u arki jirin“ Duur markii Golaha nagula jirey ee uu wasiirka xoogga ahaa kamaan maqli jirin, waxana aan u arkaa qof cadho hayso oo xayndaabkii ka baxay, xukuumaddanina waa dawladdii ugu sharci ilaalinta badnayd, waana xisaabtannaa shuruucdana waa dhawrnaa” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Mujaahid Cali gurey oo isaguna ka hadlay hannaanka talada dalku ku socoto ayaa sheegay in xilligan laga gudbay ku dhaqanka iyo hirgelinta sharciga, waxana uu yidhi, “ waxa wax lagu xukumaa waa sharciyadda, laakiin wax eber ka hooseeyaa ayaa dalka lagu xukumaa. Waxa wax xukuma maanta waa qofafka e qaynuunka ma aha, Qabyaaladdu heerka maamulkeena ay kaga jirtaa waa taariikhda heerkii ugu xumayd ee ay gaadho. Dadka cabanayana waxa kamid ah Beelaha darafyada oo qaba in beesha dhexe ay wada qaadatay wixiiba oo aan aniguna qiraal ka ahay. Dawlad-wanaagguna waa in wax la qabtay, laakiin inuu qofku noqdo sharcigii waa nasiib-darro.”
Xildhibaan Indho-indho oo doodda kusoo noqday, ayaa si weyn uga ammaan sheegtay madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay in waxa uu ka qabtay deegaannada Bariga aanu xataa Madaxweyne Siyaad barre oo halkaas kasoo jeeday ka qabinin,“Kuraastii beelaha darafyada ee uu ina Cigaal kaga dhintay waxa ka qaadday Xukuumaddii hore ee ina rayaale, tii ugu horraysay ee aanu doonanay waxay ahayd Maxkamadda sare, laakiin mar alla markii aanu hollanay ayaa dooxa Taayirro lagu gubay, mana aha nacayb xukuumaddani na neceb tahay. Mushkiladda taallaa waxa weeye wixii aanu u baahnaynaynba dadkii kalaa u baahan oo madaxweyne wax diiddani ma jiro. Maantana wax aan siyaas barre qaban oo aanu Axmed Saleebaan dafle noo samayn baa laascaanood laga wadaa. Maxamed Siyaad barre isku qolaanu ahayn, laba gabdhoodna waanu ka qabnay, labada wasiir ee ugu adagna waanu Haysannay laakiin ceelka Maanta Siilaanyo noo qoday nooma qodin.”
Maxamuud Xaashi oo ka jawaabayey su’aal la xidhiidhay in Talada dalku ku jirto gacan ka baxsan midda madaxweynaha, ayaa sidan sheegay, “Siilaanyo waa nin la yaqaano, waana meel-ka-dhac in qof soo taagan oo la doortay oo taliya in la yidhaahdo ma taliyo iyo dad kalaa ku shaqaysta, madaxweyne Walibana waa leeyahay dad ku dhaw oo la taliya, Qasriga dalka looga taliyana waar Habarjeclo-na kama taliso, koox reer ahina kama taliso xukuumadduna way ka sal ballaadhan tahay. Kulmiye-na waa xisbi ballaadhan.”
Mujaahid Cali-gurey oo isaga laftiisu su’aashaas ka jawaabay, ayaa waxa uu yidhi,“Wixii xumaan dalka ka dhacay dad madaxweynaha magaciisa isticmaalaya oo adeegsanaya oo xigtaysanaya, ayaa masuul ka aha, dadka dalka xukumaana Kulmiye ma aha,”
Duur oo doodda markale kusoo laabtay, ayaa ku faanay in xilligii uu Golaha wasiirrada ku jirey uu dood dheer oo adag ka galay arrimo Golaha La horkeenay oo uu sharcidarro ku arkayey, waxana uu isagoo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi,
“Wasiir Maxamuud waxa anigoo wasiir ah aan u sheegay inaanu wasiirku laba isku heli Karin, inuu qarash ku lahaado miisaaniyadda iyo inuu qandi gaar ah yeesho, wasiirkuna waxa uu kamid yahay ragga qandigga gaarka ah haysta, qof kasta oo baxayana 13-Dollar baa laga qaadaa.”
Duur oo waaninaya Wasiir Maxamuud Xaashi iyo inta la ollogga ah, ayaa waxa uu yidhi,“Ninka rayiga idinkaga soo horjeesta hadduu Golaha kuwa jooga yahay iyo hadduu kuwii tegay yahayba halla Colloobina faqa dambena ka daaya.”
Mujaahid Cali-gurey ayaa isagu Su’aal uu wasiir Maxamuud Xaashi jawaab u waayey badka keenay, waxana su’aashi ahayd sidan,“Madaxweynuhu intaas oo wasiir buu beddelaye Afarta wasiir ee Xaafadiina ee aad adigu kamid tahay, ee Xirsi kamid yahay, eek a ciyaaruhu kamid yahay ee ka macdantu ka mid yahay miyaad ka wanaagsan tihiin wasiirrada kale ee la Beddelayo.”
Maxamuud Xaashi oo wax lagag weydiiyey arrimaha qabyaaladda ee Dalka kusoo batay, ayaa arrintaas mucaaridka dusha ka saaray, waxana uu tusaale u soo qaatay hadddalo kasoo baxay afka Duur xilligii uu wasiirka ahaa,“Qabyaaladda jirta waxa abuuray raggii aan camal haynin ee mucaaridka ahaa waxana aan qabaa inaanay mahadinaynin, reer gaar ah iy qoysna madaxweyne laguma noqdo, annagaana Siddeed sanadood dawlinaynay.Duurna waxa uu ahaa ninkii lahaa reer Meel Taayirro ku guba oo isku soo baxa qarankani wuu dhaafay, isagoo dhegoweyne sheegayana kii lahaa Hebelow dab soo hillaac.” Ayuu yidhi Maxamud Xaashi.
Doodda oo markii dambe u jihaysatay dhinaca muranka ka taagan doorashooyinka, ayaa dhinacyadii ka qaybqaatay iska taageen meelo kala duwan, waxana eedda dib-u-dhaca isku tuurtuuray mucaaridka iyo muxaafidka.
Ugu horrayn Mudane Duur, ayaa aririnta dibu-dhaca doorashada ku tilmaamay xilgudasho la’aan ka timi dhinaca madaxweynaha, waxana uu yidhi,Duur“korodhsiimo waa Xil-gudasho la’aan katimi madaxweynihii Talada hayey iyo sharci ka-gudub iyo sharcigii oo si qalad ah loo adeegsaday, guurtidaana taas caadaysaysatay oo kusoo shaqaysatay oo ku celcelisay.”
Xildhibaan Indho –ndho, ayaa isagu maqnaansha xeerka Mudanayaasha wakiillada lagu soo dooran lahaa ku tilmaamay aafooyinka distoorku tilmaamay “Sharcigii Doorashooyinka oo aan la samaynini waxay ka mid yihiin Aafooyinka Dirstoorku sheegay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.
Xigasho:Wargeyska Hubaal
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com