|

Baadhitaanno Lagu Hayo Sarkaal u Shaqeeya Xafiiska UNPOS Oo Gantaallo Lidka Diyaaraha Ka Iibsanayey Somalia, Una Sii Waday Dhinaca Falastiin

Muqdisho:June,10,2015(SDN/QJ)-Qaar kamid ah Warbaahinta caalamiga ah, ayaa daabacay in Sarkaal sare oo katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia ee loo yaqaanno UNPOS uu ku socdo Baadhitaanno la xidhiidh iibsashada Hubka lidka diyaaradah oo uu ka gadanayey Somalia.

kosoSarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay David, ayaa lagu eedaynayaa in lagu qabtay isagoo gantaal nooca lidka diyaaradaha ah ka iibsanaya Somalia una sii waday dhinaca Magaalada Qaza ee Waddanka Falastiin.

Warbixin UN-ka dhexdiisa lagu diyaariyay ayaa tilmaantay in sarkaalkaasi oo u shaqeeya hay’adda UN Mine Action ee qaabilsan miinooyinka inuu gantaal noociisu yahay S-7 oo loo adeegsado lidka diyaaradaha inuu ka soo iibsaday gudaha Soomaaliya kaaso loo waday dhinaca Gaza ee Daanta Galbeed.

Barta Inner City Press ee ka soo waranta gudaha xarunta Qaramada Midoobay oo baadhay Warbixintaasi, ayaa waxa uu arrintaasi wax ka weydiiyey Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay.

Nicholas Kay waxa uu tilmaamay inay eedeymahaasi weli ku jiraan baadhitaano, isla markaana aanu haatan wax war ah ka bixin karin.

Warbixinta Inner City Press ayaa sheegtay inuu Nicholas Kay gacanta ku hayey qoraal yar oo uu ka akhriyey inay eedeymahaasi weli lagu hayo baadhitaano.

Barta Inner City Press ayaa mar kale weydiiyey Nicholas Kay inay maqleen in la soo gebagebeeyey Warbixinta xafiiska QM ee Adeegga Mashaariicda”The UN Office of Project UNPOS lana shaacin doono, waxa uu Ergayga ku jawaabay in waxa uu akhriyey ay wada yihiin waxa uu awoodo inuu sheego.

Dhinaca kale, Wargeyska “The Inner City Press”,waxay Ra’isul-wasaaraha Somalia, Omar Abdirashiid Ali Sharma’arke iyo Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia wax ka weydiiyeen Arrimaha Hawlgalka AMISOM iyo Maamulka Puntland la filayo in lagu ballaaduiyo iyo qorshaha Maraykanka safiir ugu soo dirayaan Somalia balse labada mas’uul wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrimahaasi.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed