|

Muxuu Abwaan Sangub Ka Yidhi Dilka Maraykanka Loogu Geystay Wiil Uu Dhalay?

Muqdisho:June,09,2015(SDN/QJ)-Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise(sangub), ayaa si rasmi ah u xaqiiyey in wiil uu dhalay oo lagu magacaabi jirey Alla-Magan kooxo hubaysani ku toogteen Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minisota oo uu degennaa.

alla maganAbwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub), ayaa sheega in wiilkiisa la dilay, xilli uu ka soo kacay maqaaxi ku taala Badhtamaha Magaalada Minneapolis, markii rasaas looga dhuftay madaxa.

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise, ayaa xusay inaan la garanayn cidda dishay wiilkiisa, isagoona meesha ka saaray sabab maanta loo dili karo, oo uu muteystay wiilkiisii Alla-Magan.

Abwaanka waxa uu xusay in Magaalada Minneapolis dadka lagu dilo, isla-markaana ay Somalidu ku fashilmato inay Booliska ku soo wargeliso kuwooda dilalka gaysanaaya.

Dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool Magaalada Minneapolis, ayaa waxaa la ogyahay inay dhexdooda isku beegsadaan Magaaladaasi, iyadoona dilalkoodu ay salka ku hayaan arrimaha qabaa’ilada.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed