maanso agabla’ w/curiyey maxamed yaasiin maxamed ilkacase
maansadan waxaan curiyey xiliyadii dagaalkii sokeeye ee siyaasiyiintu isku hayeen shacbiguna u bixiyeen dagaalkii munaafaqada kaasoo aanay jorin wax ay bulshadaasi isku hayeen oon ka ahayn wixii ay nimankaasi aaminsanaayeen,aakhirkiisiina waxay cadeeyeen in dagaalkaasi mashruuc ahaa,weliba si jeesjees ah ayay bbc da uga sheeheen taasi oo ah hadimooyinkii laga galay umaddan muslimka ah,ee wax loola hadhay aanay jirin ee waqeed hadimooyinku dul hadhsanayeen taasoo aan odhan karo inaan umadan ilaa lixdankii aanay dowladnimadu waxaan murugo ahayn aanay u tarain ee ay ahaayeen agabla’ waa halka aan magacan gabayga ka soo qaatay waana kan ee akhris wanaagsan
- Asaagay inta noolee
- Aduun waynaha joogtiyo
- Aynigayba dhamaan
- Ee aqoonta haleelay
- Aflaxee mastarayda
- Ee afkaarta hagaajiyo
- Aynigayba dhamaan
- Hadii aan yara eego
- Gumaysigii ingiriis iyo
- Il ma saarin talyaani
- Nooci uu u ekaa
- Abrisyadii ka danbeeyee
- Ayaamahaa talinaayey
- Se ilaa orgobkii
- Afwaynee dhalay eeshan
- Intii aan ka arkay
- Ayax buu igu ahaa
- Eelna wuu igu reebay
- Dhibuun baan arkayoo
- Urugaa igu dhaansan
- Uur xumaan tebayaa
- Cadhaa taala agtayda
- Iin kalaa igu huursan
- Aqoon baanan lahayn
- Cimi baa iga owdan
- Oon la ii anbaqaadin
- Kacaan baa i asqeeyey
- Afkaarti maarkiyo liilan
- Ma dhaqaatin aduun
- Intifaacda naftayda
- Shaqo aan ku adeegto
- Kolaan ayro mar foofsho
- Ardaa aan u fadhiisto
- Hidiyo waa asalkiiye
- Umadaydu lahayde
- Yaanan awr iyo qaalin
- Kolay joogto abeer
- Iska daa hal irmaane
- Aanan ood ka rogayn
- Tacabkayga aduuna
- Kuna eertay cabdow
- Wax kastoo abidkay
- Ay ayaanta qaloocani
- Aafo ay igu soorto
- Waxa taa aminteeda
- Eebe kuu geliyaa
- Xili aad anficiisa
- Istareex ku ahaato
- Keli iintani maaha
- Aniguun i astaysee
- Asagay ila mid weeye
- Waxseen eersanayaa
- Ishtiraakiyadii
- Lay aluubay fankeediyo
- Tii inkaar qabihii
- Inay eeshan abuurtay
- Waase layga horeeyey
- Anigaana ablayda
- Ubucdaydiyo jiidhka
- Adhaxdayda ku gooyoo
- Ajaloo noloshayda
- Aan dhanow ogolaan
- Anaa aafo dan mooday
- Anigaa agab laanta
- Anfac iigu jiraa
- Dhib anow andacooday
- Ogoloo jecel maanta
- Anigaa orgobkii
- Shalay awday xaqayga
- Maanta aaminyoo
- Af hayeen ka dhigtay
- Intaan keenay alhuumo
- Dib anaa u ilmeeyey
- Aheey way iyo ciil
- Amakaag iyo qiiro
- Umadayda ninbaa
- Inta uu edegeeyey
- Ururow kala ooday
- Aheey way iyo way
- Iyo way iyo ciil
- Iyo uur xumidayda
- Hadii aanay badhkay
- Cadowgay u adeegin
- Layga iibsan gumaysi
- Afrikaana ah madow
- Axad aanu i dhaafsan
- In ayaamo wax goysa
- Ilamaa lixdankii
- Oho layma dhaheene
- Yaa idhaa naftan eerso
- Hanyaraa se iblaysku
- Ma ooshii shalaytaa
- Maanta loo oslayaa
- Waxse aan abidkayba
- Aar biixow is lahaa
- Maalintay udubkiisiyo
- Afaafkiisa jaraane
- Dadku qaato ablayda
- Uumiyuu hinqadaane
- Afka laysaga gooyo
- La aafeeyo rajiimka
- Dharaartaasba adoonsi
- Aamin baad ka ahaanoo
- Xoriyad baad arkaysaane
- Mustafow mala eeday
- Istiqlaalki dhawaaye
- Estu ay horkacaysay
- Ayaahaan tirsanaynay
- Aftidii bulshadeena
- Uurkutaaliyo ciiliyo
- Aafo maynagu reebtay
- Cawilow abti heedhe
- Ma waxaan arkayaa
- Ehel aan ehel dhowrsan
- Baroor aan ilmo dayniyo
- Indho oohun casaada
- Gaban aabihi waayiyo
- Inan seegtay gayaan iyo
- Hooyo uun asay qaada
- Aroortii kasta dhiilo
- Iyo geeri aloosan
- Ubad aan wax ogaynoo
- Aabahood la shidhaysto
- Agoontaa dhibka haystana
- Farxaanow la ilaawo
- Ruuxna aan dib u eegin
- Ma waxaan arkayaa
- Umad meel ku aroorta
- Udub aan kala maarmin
- Oo ardaa qudhi deeqoo
- Isu haysata eebo
- Af gamuur iyo leeb
- Garmaqaatiyo aalad
- Abees uu isugu dhiibay
- Asaan iin kala hayn
- Ma waxaan arkayaa
- Ujeedaa maqlayaa
- Erayadii qaldanaa
- Erayadii ina biixe
- Anaa oogay dagaalka
- Ma waxaan arkayaa
- Ugubeey ugubeey
- Iblays kaaga awoodle
- Aayahaad tashanaysay
- Oo adoon is ogayn
- Kaaga oofsaday tiisa
- Ma waxaan arkayaa
- Ninku joojay awoore
- Kiyoon waayin ugbaad
- Kuu yagleelay abaar
- Ood ayaan daridaada
- Weliba leeday ugaas
- Arimaanse cadaan
- Oo laguu dabayaa
- Irkig baa leh cajiib
- Amakaag iyo yaab
- Waxse aan la asqoobay
- Halkay eega salaadu
- Aanay nooga xidhmayn
- Se ayaan daraneey
- Waxa eeshan dhexdeena
- Arxan goyskiyo ciilka
- Isnacaybka abuuray
- Suuga ooda ka qaaday
- Ku asqeeyey baroonka
- Maato aan u adkaysan
- Aan ka eegin dhashiike
- Kaan awooda lahayn
- Ku itaalsaday jiib
- Astaan bay u ahayd
- Iblays uu horkacaayee
- Intii aynab la waayey
- Geesi iilka la jiifshay
- Ajal aan waxba gaysan
- Maanta aakhiro joogta
- Iswaydiini dhib maahee
- Aano yaa u ahaanoo
- Denbiga aakhiro yeelan
- Ma waxaan arkayaa
- Rag ujeedo qarsoon
- Agablow tirsanaayoo
- Toodii ay u ahaatay
- Aamintoo agab beesho
- Munaafaq ay anfac mooday
- Hadday eeday siyaasi
- Ruug cadaa idilkii
- Eeganey anfariir iyo
- Amakaagba ka qaaday
- Kay bidaysay aqoonta
- Iyadii laftigeeduu
- Isu taagay jidgooyo
- Aadanow bil xaqiiqo
- Hormoodkaan islahaa
- Umadan how halgamaan
- Awaarahaa dadkan yaala
- Ururshaan ha dhisaan
- Anbaqaadkan heshiiska
- Walaalaysay afkaartu
- Marna joogta adeenti
- Isagu uu kala geeyee
- Aniga laygu asqeeyo
- Amuurtaa gundhigeeda
- Halka ay ku aroorto
- Dhab anoo u arkaaya
- Yaanan eegan karayn
- Araah uu nin dantiisa
- Si aan looga af waajin
- Islahaa kaga oofso
- Anaa diiday midhkaa
- Se hadaan ninba eega
- Ka ardaaga la jooga
- Indho buuxin karayn
- Asaan lays ogolayn
- Ugub may noqoteene
- Maxaa loo arki waayey
- Shalay goobti afwayne
- Marki aaga dagaalka
- Arbow loogu badheedhay
- Ehel baa la ahaa
- Agabtaa ka dhaxaysay
- Talo meelku aroortiyo
- Amarkoo laga qaatiyo
- Ururkaa mid ahaa
- Umadaana sinayde
- Hadaan lays ogolayn
- Maxaa taaba awaariyo
- Ayda loo dhigi waayee
- Udbaheeda u giijay
- Iyadoo isku duuban
- Umadii cadibnayd
- Ee daroor ku asqowdee
- Dulcad aafadu gaysay
- Markii eebe u hiishay
- Hantiyeen arladooda
- Miyaa la giijay albaabka
- Haday taydu idlaato
- Waxaan iilka dhexdiisa
- Uga oogsanayaa
- In banaanbax aloosan
- Agabloo u midaysan
- Ay baabuurta afdhuubkiyo
- Anti eeri garaafku
- Oogadiisa ku joogto
- Dharaaro ay ololsheen
- Iska alamaaniyo
- Dhame aakiyo tuur
- Afdabayl iyo rayfal
- Iyo aarmi agaale
- Askari jooga dagaal iyo
- Bilays loo amray mooyee
- Axad kaloo is cafuufoo
- Iska qaata dirays
- Ruux ilsaara la waayey
- Ayaantii berberaadna
- Shaahid baan u ahaa
- Hubka gooya arwaaxda
- Oo badwayntu asqaysay
- Idilkeedba hargaysa
- Awdal boon iyo saylac
- Burcadan aad arkaysaan
- Ilamaa iyo sooloo
- Abni loo wada joogo
- Irbad baase itaalka
- Aadanow hadba aarad
- Wixii hawl la unkaayo
- Loogu gooyey awaare
- Tiiyoon loo arxamayn
- Balse wayga odhaah iyo
- Su’aalaygu adkaadee
- Inkaartaa abyideeda
- Ma baneeyey islaamku
- Nebigeen ma adeecay
- In adoonba kashiisiyo
- Sida ay la ahaato
- Intuu doonaba yeelo
- Waar miyaan alle joogin
- Jirin Eebaha wayni
- Nin kastoo is amiirsha
- Ku itaashada maato
- Miyaan iilka danbayn
- Imtixaan hadhsanayn
- Lays abaal marin doonin
- Waxse aayada caawa
- Ku iftiinsan quraanka
- Nin ku eertay qabiilo
- Inaanay aayo tarayn
- Abaar kaa dugsiyeyn
- Waxsuu kuu anbaqaaday
- La jaanqaadka iblays
- Amuurtaa awalkeediyo
- Astaantaa nabadeed iyo
- Ufadaa kalgacayl
- Xoriyadaa ibta keentay
- Eebahay ku hagoogtay
- Waxa dhaafshay iliisha
- Mid waqii ajalaayey
- Oon u diirnax lahayn
- Ka colaadiyey uurka
- Abris uun ka ba’aayey
- Ogow aan rabin guulba
- Aayaheedna jeclayn
- Orgob uun qoqobaaya
- Afmiishaar cunayoo
- Inkaari ay hadhisoo
- Ay aqoontii lumisoo
- Xamar eeganayoo
- Midnimadii ku awdalan
- Aheey eelku waa kaa;;;;;;;;;;;;;;;;