Dibad bax looga soo horjeeday mooshinkii ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya oo kismaayo ka dhacay
Kismaayo June 09,2015(SDN/QJ)-Dibad baxaani oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo dadka deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo gaar ahaan kuwa jubada hoose ayaa ka dhacay kismaayo.
Dibad baxa ayaa ahaa mid looga soo horjeeday go’aankii baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ay ku meel mariyeen mooshinkii ka dhanka ahaa baarlamaanka maamulkaasi.
Mas’uuliyiin uu hogaaminaye madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay xiriirka ay u jareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya isagoona intaasi uu kusii daray in ay in ay bulshada jubaland aysan u cuntami doonin go’aankaasi sida uu hadalka u dhigay.
6-dii bishaan ayaa Magaalada muqdisho kulan ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka waxa ay ku ansixiyeen mooshinkii ka dhanka ahaa baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubbaland kadib markii kooramka xildhibaanada uu gaaray tiro kabadan kuwii uu u baaqanaye kulamadii ka horeeyey kulankaasi.
Xiriirka dowladda federaalka ah iyo maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa sii xumaaday kadib markii la soo magacaabay xildhibaanada maamulkaasi iyadoona ay jireen eedeemo ka dhan ah Baarlamaanka Maamulka Jubba.
Waxaana laga hordhici Karin halka uu ku biyo shubto oo uu ku dhamaado khilaafaadka u dhaxeeya dowladda iyo maamulka KMG ah ee Jubbaland.
SDN/QJ-Kismaayo