“Madaxweyne Siilaanyo waxan leeyahay Marka dhegtaa laguugu warramo dhegtaa kale nala sug oo aan hore ugu idhi Madaxweyne Cigaal.”Gudd. hore ee Maxkamadda Sare
Hargeysa:09,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa farriin adag oo dhaxal gal ah faraqa ugu sii guntay madaxweyne Siilaanyo, waxana uu ku dhiirrigeliyey inuu dareemo miisaanka garsoorku leeyahay.
Guddoomiyihii hore oo shalay markii uu xilka wareejinayey hadal kooban jeediyey, ayaa xusay inuu madaxweynaha hawada u marinayo farriin uu horeba ugu sheegay madaxweyne Cigaal xilli uu bahda garsoorka meel halkan ka hoosaysa kaga jirey,
“Madaxweyne Siilaanyo waxan leeyahay Marka dhegtaa laguugu warramo dhegtaa kale nala sug oo aan hore ugu idhi Madaxweyne Cigaal.” Ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali.
Yuusuf oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in xilliyadii xilka loo magacaabayey uu madaxweynaha u sheegay in maalinta uu shaqadiisa fashmi waayo uu isaga la socodsiiyo uun, taas beddelkeedana uu istiqaalada qori doono, waxana uu yidhi,“Madaxweyne Siilaanyo waan u sheegay haddii aad garanweydo xilka aad ii magacowday kugu qaadan mayso wakhti badan oo adigay kugu xidhan tahaye waxad ii sheegtaa oo kali ah inaanad wada shaqaynteennii la dhacsanayn. Anigaana istiqaalada qoraya”
Guddoomiyaha hore waxa uu calool-xumo ka muujiyey hannaanka xilka looga qaaday, waxana uu sheegay inaanay haboonayn in goor habeenimo ah Waraaqda xilka lagaga qaaday uu milgo la’aan xagga garsoorka ah u arko,
“ma aha garsoorka in lala jeclaado waan eryey iyo karaamo la’aan Goor habeenimo ah, waxbana ku dheeraan maayo.” Ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali.
Guddoomiyaha Xilka wareejiyey oo muddo shan sano xilkaas soo hayey, ayaa maalintii xilka laga qaaday si weyn uga horyimi Xilka-qaadistii madaxweynaha, waxana uu sheegay inaanu madaxweynuhu arrintaas xaq u lahay, balse shalay waa ka gaabsaday inuu dhaliilo culus kusii sagootiyo xilkii uu maddada dheer soo hayey.
SDN/QJ