“Caqabadda Ugu Weyn Ee Na Hortaagan Ee Shacabkuna Ku Dhimanayo Waa Labada Fulinood Ee Iska Soo Daba Baxa” Taliyaha Ciidanka Booliska
Hargaysa 09.June 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay sababaha keenay inay isku dhacaan ciidanka Booliskaiyo shacabka Somaliland, taas oo uu tilmaamay taliyuhu inay keento fulinaha kala duwan ee ay soo saaraan Maxkamadaha dalku ee midna fuliya tahay midna hakiya tahay.
Taliye Fadal oo shalay ka hadlayey munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Cuddoomiyihii hore, waxaanuu Taliye Fadal u soo jeediyey guddoomiyaha cusub iyo Wasiirka Caddaaladda inay arrintaasi caqabad weyn ku tahay ciidanka booliska oo loo baahan yahay in wax laga qabto.
Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in uu Ciidanka Boolisku maalin kasta galo fulin oo ay ka timaado dhimasho iyo dhaawacba, weliba todobaadadii u dambeeyey waad ka war haysaan, laakiin waxaan u sheegayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee cusub iyo Wasiirka Caddaaladda oo aanu guddoomiyihii horena ka wada hadalnay, marka fulin lagu guda jiro ee ay ka dhamaatay maxkamadihii oo dhan hadana ay ka daba timaaddo hakiya, taasi khatar ayey gelinaysaa nabad gelyada”
Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi raaciyey “Caqabadda ugu weyn ee na hortaagi waxa weeyaan ee lagu dhimanayo oo shacabku ku dhinto labada fulinood ee iska soo daba baxa oo midna tahay fuliya midna tahay hakiya, labadaas ayaa iska daba imanaya waana caqabad na hortaagan taasi”.
Hargaysa SDN/QJ