|

Go’aamo laga Gaadhay Shirkii Beelaha Buuhoodle Iyo Qurulugud Ee ka Socday Deegaanka Coodanle.

Buuhoodle 08.June 2015 (SDN/QJ)- Beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud oo labadii todobaad ee u dambeeyay shir nabadeed uga socday degaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle, ayaa ka heshiiyay colaadihii sanadihii u dambeeyay u dhexeeyay labada bulsho.

reer qorilugud iyo buuhoodleShirka oo Maanta la soo gabogabeeyay ayaa lagu baahiyay heshiis ku salaysan murankii dhulka iyo dilalkii dagaalada labada bulsho dhex maray iyo gaadmada dadkii u dhintay oo laga heshiiyay.

Heshiiska Arrimaha Dhiigga:-

Waxay ku heshiiyeen labada beelood nabadgelyo buuxda, daris wanaag iyo in beel waliba ilaaliso xuquuqda beesha kale.
In wixii dil iyo dhaawac dhexmaray labada beelood laga soo bilaabo Kalshaale lagu kala samray oo aan waxba laga soo qaadin iyadoo wixii gaade ku dhintayna la isu tuuray.
Qofkii danbe ee wax dila labada beelood dhexdooda la waafajiyo shareecadda Islaamka, sidoo kale wixii khilaaf ah oodhan ee beelaha dhexdooda ka yimaada lagu dhameeyo shareecadda Islaamka.
In aan beelina magan gelin nin gacan ku dhiigle ah oo dil kasoo geystey beesha kale dhexdeeda loona adeegsado cidkasta oo awood u leh inay wax ka qabato.
In wixii hadda ka danbeeya cidii dil geysataa ay ku kooban tahay isaga iyo qoyskiisa cid ugu kaalmayn kartaana aanay jirin.
In wixii maanta ka danbeeya dhibkii dhaca lagu dhameeyo xal nabadgelyo oo ay waxgaradka iyo gudiguu ka kulmaan isla markaana ay reeban tahay in la isugu gurmado.
In la qabto gudi nabadgelyo oo ka kooban 10 xubnood, oo labada beelood iska dhexqabtaan shirka ayaa laga dhex qabanayaa gudiga.
Heshiiska Arimaha Dhulka:-

Waxay labada beelood ku heshiiyeen in beesha Habarjeclo degmo baliga Goble-Magan, beesha Dhulbahantana Hagoogane, inta u dhaxaysana sida Kalshaale aan la qodi karin.
Waxay labada beelood ku heshiiyeen si loo ilaaliyo daaqa inaan deegaan danbe oo cusub laga samayn karin dhuldaaqeenka u dheexa labada beelood, Sida Inta u dhaxaysa Xadhadhan iyo Coodanle, Goble-Magan iyo Hagoogane, Galgal iyo Qabri Hulul, Qoriligud iyo Maygaagle, Horufadhi iyo Adhi-Boob.
In la wada dego magaalada Adhi-Boob.
Waxaa saxexay heshiiskan Isimadda

Suldaan Cabdalaahi Suldaan Cali
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.
Boqor Maxamuud Cali Carab
Suldaan Siciid Cismaan Cali
Garaad Saleebaan Buraale Aadan.
Maxamuud Xaaji Xuseen.
Heshiiskan ayaa u muuqda mid sal adag u noqonaya nabad waarta iyo inuu suuliyo colaado soo noqnoqday oo sannadadii u dambeeyay u dhexeeyay labada Beelood ee Habarjeclo iyo Dhulbahante.

Comments are closed