Weedhihii laga Jeediyay Munaasibad uu Xilka kula Wareegay Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Sare DAAWO
Hargaysa 08.June 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Cusub ee maxkamada saree e S/land Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xilkii si rasmi ah ugala wareegay Gudoomiyihii hore Yuusuf Ismaaciil Cali.
Munaasabada xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta maxkamada sare waxaa ka soo qayb galay Madaxweynae ku xigeenkii hore ee JSL Md cabdiraxmaan Aw Cali, ahna gudoomiyaha Akademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland, Gudoomiyaha Golaha wakiilada, xildhibaano, wasiiro, garsoorayaal, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, gudida saree e cadaalada, wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga ah, taliyayaasha labada ciidan ee Booliska iyo Asluubta, dhiinka kuliyada sharciga ee Jaamacadda Hargaysa iyo marti sharaf
Gudoomiyaha hore ee maxkamada sare Garyaqaan Yuusuf Ismaciil cali waxa uu munaasabadaa ka sheegay marxaladihii uu garsoorku soo maray mudadii rubuc qarniga ahayd ee kla dambaysay markii ay Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotay.
Gudoomiyihii Hore ee Maxkamada Sare Waxa uu ka Hadlay Kiis aanu Weligii ka Sheekayn oo ka soo maray mudadii uu Hawsha Garsoorka ku Jiray.
Proffosor Maxamed Mixille Boqore Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda oo ku hadlayey magaca gudiga cadaalada ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku caddeeyey in gudiga cadaaladu wadashaqayn la samayn doonaan gudoonka cusub ee Maxkamadda sare.
Gudoomiyaha golaha wakiilada jsl oo munaasabadaasi hadal ka jeediyey waxa uu ka waramay doorka golaha wakiiladu ku leeyihiin shuruucda ay ku shaqayso maxkamada sare iyo xeerarka qabyada ku ah agtooda sida xeer nidaamiyahii garsoorku.
Gudomiye Ciro Waxa uu Qiray in Gudoomiyihii Hore ee Maxkamada Sare Uu Wakhti Adag Ku Soo Beegmay
Gudoomiyaha Cusub ee maxkamada saree e S/land Aadan Xaaji Cali oo munaasabadaasi ka hadlay waxa uu ballanqaaday inuu sii wadi doono shaqadii socotay isla markaana awoodda saari doona fulinta cadaalada lagama maarmaanka u ah dalka iyo dadkaba.
Weedhihii Kale ee Madashaasi laga Jeediyay Waxaa ka Mid aha Muuqaalkan Hoose.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com