Duulimaadyadii Diyaaradaha Kenya Ku Iman Jireen Somalia Oo Loo Hakiyey Safarka Madaxweyne Obama Dhawaan Nairobi Ku Iman Doono
Nairobi:June,08,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa hakisay Duulimaadyadii ay diyaaradaheedu ku iman jireen Dalka Somalia, iyadoo sababtana lagu sheegay safarka uu madaxweynaha maraykanku dhawaan ku iman doono doono dalkaasi.
Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu wargeliyay inay si KMG ah u joojiyaan howlihii duulimaadyada rayidka iyo kuwa Ganacsiga ee aadayay Soomaaliya, kana imanayay, waxaana taas ay keentay in Soomaali badan oo doonayay inay u soo safraan magaalada Muqdisho ku xanibmaan garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta.
Dadka ku xaniban garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya inay iska dhex joogaan garoonka, isla markaana ay tikidhada goosteen, waxaana qaarkood la sheegay inay tikodho u goosteen Jabuuti, si ay Soomaaliya ugu sii gudbaan
Tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya ayaa waxay ugu gol leedahay sugida amniga wafdiga Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, waxaana dalkaas ka socda howlo loogu diyaar garoobayo wafdiga Madaxweynaha Mareykanka.
Inkastoo aanay dowladda Soomaaliya ka hadlin arrintan ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii Soomaaliya ayaa hadana waxay dad badan is weydiinayaan labada dhinac cida ay dan ugu jirto, marka laga hadlayo ganacsiga.
Diyaaradaha Qaadka ee Kenya ka imaanaya ayaa si caadi ah u shaqeyn doona, wax saameyn ahna kuma yeelan doonto xanibaada diyaaradihii rayidka ahaa, waxaana shalay iyo doraad ka soo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ilaa labo diyaaradood oo qaad siday.
SDN/QJ