|

Khilaaf ka dhex Qarxay Wasiirada Maaliyada Iyo Duulista Hawada Iyo Xudunta Murankooda

Hargaysa 08.June 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo. Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa la sheegay in Khilaaf xoogan  soo kala dhex-galay, kadib markii Wasiirka maaliyada Samsam Aadan Wasiir Xaashi ka codsatay inuu ku soo wareejiyo xafiiska wasaaradda maaliyadu ku leedahay Madaarka Hargeysa,lacago mar kale lagu kordhiyey oo 15 doollar ah oo dadka ka soo dega ama ka dhoofa madaarka Cigaal International Airpot ee Hargeysa.

duuliskIlo-wargaleen ah oo u dhuun-daloola, kana ag-dhaw Wasiirka Wasaaradda duulista Maxamuud Xaashi, ayaa sheegay In muranka ka dhex-taagan Wasiirka maaliyada Marwo Samsam iyo Wasiir Xaashi, uu ka dhashay kadib markii dhawaan Wasaaradda duulistu ku soo rogtay bulshada kala duwan ee Soomaalida iyo ajahaanabiga ee dalka yimaada iyo kuwa ka dhoofaaya Madaarka Hargeysa , laga qaado sawir lagu sawiraayo kamarad, isla markaana 2 doollar-na ay qaadanayaan dadka sawiraya dadka is-ticmaala madaarka, halka 13 doollarna loo xareeyo Wasaaradda duulista.

Sidoo kale, xogahaas waxay sheegeen in Wasiirka duulistu qorsheeyay in lacagtaas Qofkiiba 15 doollar laga qaado, isla markaana 13 doollar loo shubo Wasaaradda duulista, halka 2 doollarna loogu talo galay dadka qaadaaya Sawirada oo uu qoray shaqaale cusub oo fulinaaya hawlahaas iyo xafiis lagu ururinayo lacagtaas oo u dhex-yaala Madaarka.

Hase yeeshee xogahaasi waxay xuseen in Wasiirka duulista uu la socod siin markii hore Wasaaradda maaliyada ee dalka u qaabilsan daqli ururinta.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed