Mudo xileedkii xukuumada waxaa u hadhay 19 maalmood ee Sidee la isu waafajin karaa Dastuurka, shuruucda dalka iyo dhaxalkii iyo dhaqankii awoowyaasheen
Waxaa tuhun badani ku jiraa in aaney Xukuumada Siilaanyo ee mayalka adagi si fudud kursiga uga ruqaansaneyn sidaa daraadeed waxaa Xisbiyada Mucaaridka ah looga fadhiyaa maadaama ay xukuumada u-hadhey mudo kooban oo 20 maalmood ah in ay ka waantoobaan kala baydh-baydhka, faaleynta iyo falanqeynta dul-ka xaadiska ah ee aan dhu-dhunka iyo dhumucda lahayn ee waxaa looga baahan yahay in xisbiyada mucaaridku ay burjigooda iyo burhaantoodaba isku biiriyaan oo marka maandhaytka mudo-xileedka Xukuumadu uu dhamaado 26/6/15 in ay xukuumada iyo xayndaabkeedaba ku shidaan oo ku qiijiyaan qiiq mucaaradeed oo mug-leh si qiiqaa ay ugu haftaan oo loogu jinni saaro oo saarka kursi jaceylka looga cuudiyo, mise waxa aynu ku shidnaaba foox, luubaan, mal-mal iyo Jaawi gurada kun-gowska xayndaabka madaxtooyada si baf-bafta iyo boola xooftada looga tumo oo loo buufiyo oo loo buruudshiilo duulkan aan u-tudheyn ee aan u-naxeyn dan yarta iyo da’yarta ay camal la’aantu dishootey iyo danta guud ee ummadda ee ay xaraashka la daba taagan tahay, bal eega xaraasha guryihii dawlada, wershadihii laydhka iyo Dekedii Berbera oo shirkado dantooda wata oo aan dalka iyo dadka wax u tareyn lagu wareejinaayo.
Sidee xukuumada loo xakameyn karaa ? Ma waxaynu Raad-qaadnaa habeen ma qadayaasha hilaaban ee habaqleysiga iyo hormo qamaamka ku caanka baxay, mise waxa aynu cuudinaa kuwa xilalka ku haya habrashada iyo haaraanka iyo kuwa caadeystey in ay ku durduriyaan, kuna doobiyaan, shacabka si ay doobiyadooda carta leh ee aan cidaadka iyo culeyga lahayn uga dhaansadaan hantidii maguuraanka ahayd ee ummadda iyo cashuurtii yareyd ee danyarta iyo da’yarta wax loogu qaban lahaa. Shacabka reer Somaliland uma taag hayaan danyar danbe oo lagu dul daac-daaco oo lagu duljimicsado iyo mudo kordhin Aabaheed goblamey oo xukuumad isnuug ah loo fududeeyo oo lagu abaal mariyo, shacabku maanta uma daafad hayaan qanuun iyo sharci mar walba lagu tunto oo laga yeelo la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan.
Xukuumada Siilaanyo waxaa lagu suntey in aaney laheyn aragti dheer oo mideysan iyo istiraajiyad habeysan oo ku saleysan wati-dheer iyo mid gaaban, waxa ay had iyo jeer carabka shacabka ku canqarisaa oo ugu celcelisaa Wado welef iyo wadadu wadey daalibaysaa,qorshe hawleedyo mala awaal ah iyo higsi qaran oo himbiriirsi ah oo hagaasey oo aan laheyn hawl-qabad mudeysan iyo halbeeg lagu cabiro.Miyaa maqasheen xukuumad ay madaxdeedu aaney u-feydneyn,oo aaney u-tafoxeydneyn sidii ay ummada ugu shaqeyn lahaayeen, laakiin u-foogan, u-foojigan oo u-lebisan sidii inta yar ee dhaqaalaha ah ay u-beydhsan lahaayeen una lunsan lahaayeen. Miyaa maqasheen Hawlwadeeno xukuumadeed oo kala socda ama dhegaha ishaysta oo mid mid uwata aragti gaaban oo qofeed oo goloof ah, taas oo ku saleysan beelnimo, ganacsi iyo dano dhaqaale oo iyaga ugaar ah, ileyn waxay u haystaan in xilalka loogu dhiibay si ay ugu baantaan naftooda iyo xigtadooda oo keliya halkaasna waxaa ku banjarey oo ku baaba’ay qorshe hawleedkii iyo higsigii qaranka ee wadaniga ahaa ee waqtiga iyo aduunka badan lagu lumiyey. “Waana iyaga iyo Allahood!!!
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London