Maamulka Jubbaland oo u yeeray xildhibaanada kaga jiro baarlamaanka Soomaaliya
Kismaayo June 07,2015(SDN/QJ)-Kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida ah dib ugula laabteen baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa war kasoo Baxay maamulka Jubba ayaa lagu sheegay in ay dowladda kala laabteen xiriirkii siyaasadeed ee kala dhexeeyey.
Sidoo kale maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa sheegay in ay u yeereen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Maamulkaasi uu ka arimiyo.
Maamulka ayaa ku baaqay in ay kuland deg-deg ah ay isugu yimaadaan Kismaayo si ay sheegeen in ay kaga tashtaan mustaqbalka deegaanada maamulkaasi.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay go’aan ka qaatay kadib markii 132-Xildhibaan oo katirsan baarlamaanka isla markaana kamid aheyd tiradii ka qeyb qaadaneysay kalfadhigii shalay ay u codeeyeen in ay codkii kalsoonida ah ay kala laabteen baarlamaanka maamulka Jubbaland.
SDN/QJ-Kismaayo