|

Shacabka Turkiga Oo u Dareeray Doorashooyinka Baarlamaaniga ah Iyo Saadaal Laga Sii Bixiyey Cidda Guulaysanaysa

Stanbul:June,07,2015(SDN/QJ)-Waddanka Tukga, waxa maanta looga dareeray doorashooyinka Codbixin muhiim ah  oo lagu soo dooranayo Golaha Baarlamaanka Dalkaasi yeelan doono.

lamoo53.7 Milyan oo qof ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan, waxaana si nabadgelyo ah ku bilaabantay codayntaas oo dhawaan lasoo afmeeri doono.

Ra’yi ururin la qaadey ayaa muujineysa in awooda baarlamaanka uu sii haysan doono Xisbiga talada haya ee AKP, kaas oo uu hoggaamiyo Recep Tayyip Erdogan, Guusha AKP ayaa Erdogan uga dhigan mid tijaabo ah, maadaama uu doonayo in la ansixiyo sharci siinaya Madaxweynuhu in uu leeyahay awoodda oo dhan, halka markii hore ay ka ahayd nidaamka Baarlamaaniga.

Sharciga cusub ee Madaxweynaha siinaya awoodda ayaa doonaya in AKP ku guuleysto aqlabiyad.

Xisbiga AKP ee iska leh afkaarta Islaamiga ah ayaa Turkiga ka soo talinaayey muddo ka badan 12 sano, Waxaana lagu tilmaamaa in uu dalka Turkiga gaadhsiiyey caddaalad iyo horumar.

Shacabka Turkiga, ayaa intooda badani waxa ay si weyn u taageeraan Xisbiga Madaxweyne Erdogan, waxana taasi keentay inuu sii wato Guulihiisa Horumarineed ee uu dalkaas ka sameeyey muddadii uu  soo hoggaaminayey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed