Ciidamo Katirsan Maleeshiyada Ahlu Sunna Oo La Wareegay Maamulka Degmada Dhuusa Mareeb Iyo Ciidamadii Dawladda Oo Laga Xoog Roonaaday
Dhuusamarreeb:June,07,2015(SDN/QJ)-Cutubyo katirsan Ciidanka Kooxda Ahlu sunna Wal Jamaaca, ayaa saaka la wareegay Degmada Dhuusa marreeb ee Gobolka Galgaduud, kadib markii weerar ay qaadeen kaga wareegeen Ciidamadii Dawladda ee hore gacanta ugu hayey.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Ahlusuna oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, kana soo duulay degmada Guriceel ayaa saaka abaarihii salaadii subax dagaal ku qaaday ciidanka dowladda ee ku sugnaa Dhuusa Mareeb.
Wariye ku sugan Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in ciidamada Ahlusuna ay la wareegeen meelaha muhiimka ah ee magaalada, sida Saldhiga Booliska, xarunta maamulka iyo qeybo kale.
Ciidamada dowladda ayaa wali ka dagaalamaya qeybta looga baxo magaalada ee wadada aada Caabudwaaq, sidoo kale waxaa dagaal uu ka socdaa Guriga Guddoomiyaha Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo hada ku maqan Cadaado.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ahlusuna ku qaado Dhuusa Mareeb, tan iyo markii magaaladaas horaantii sanadkan uu ka furmay shir dib u heshiisiin, lamana oga sababta ka dambeysa weerarkan, iyadoo hore uu u jiray heshiis laga gaadhay dagaalkii Guriceel
Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay degmada Guriceel, halkaasoo labada dhinac midba mar uu la wareegay, waxaana jiray heshiis ay wada galeen Ahlusuna iyo wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga, kaasoo lagu soo afjarayay dagaalka.
Weerarkan, ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo Cadho ka dhalatay shirka Cadaado oo lagu eedaynayno inay Dawladdu ka waddo arrimo aanay dadka deegaanku raalli ka ahayn.
Lama soo sheegin wali khasaaraha dhabta ah ee Dagaalka saaka dhacay uu geystay, waxana adag in wararka halkaas la helo, maadaama xabaddu si xooggan halkaas uga dhacayso.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com