Calanka Kooxda Daacish Oo Lagu Arkay Goobo Ku Yaalla Somalia
Galgala:June07,2015(SDN/QJ)-Deegaano ku yaalla Buulayda Galgala ee Gobolka Bari, kuna dhararan Buuraha Golis, ayaa lagu arkay Calanka Kooxda Daacish oo ka Bababanaya, iyadoo goobahaasna lagu ogaa Kooxaha Al-shabaab.
Al-shabaabta halkaas lagu ogaa ayaa la sheegayaa inay si rasmi ah ugu biireen Ururka Daacish, waxana ay dadka Deegaanka ugu baaqeen inay jihaadka ka qayb qaataan oo usoo baxaan.
Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Buuraha Golis ee gobolka Bari ayaa looga awood roonaaday Kooxaha Al-Shabab, balse markii dambe waxa ay bilaabeen in ay shaaciyaan ku biirstooda Kooxda Daacish.
Goobaha labadii cishe ugu dambeeyay lagu arkay Kooxda Al-shabab ee dadka ay kula hadleen ayaa waxaa ka mid ah Madarshoon, Bali Khadar iyo Sugurre oo dhammanatood ka tirsan degaanka Galgala ee Gobolka Bari.
Wararka kale ayaa sheegaya in Kooxo ka tirsan Al-shabab oo ka dhaqaaqay degaanka madarshoon ay gaadheen halka lagu magacaabo Xammur oo 10km u jirta Madarshoon iyadda oo la rumeysan yahay in laba todobaad ee ugu dambeeyay aad u soo xoogeysteen dagaalyahanadda Kooxda Al-shabab ee buuraha Golis, kuwaas oo weerarro qorshaysan ku qaadaya Goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Puntland.
Buuraha Golis ama Galgala ayaa waxaa ka socda dagaalo xoog leh iyadda kooxaha Al-shabab mar mar weeraro ka geystaan degaanka Karin iyo Laag iyo tuulooyinka ku dhow dhow magaaladda Bosaaso ee gobolka Bari.
Tan sannadkii 2010-kii Kooxaha Al-shabaab waxa ay dagaalo ka wadeen Buuraha Galgala, iyadda oo Hogaamiyihii hore ee kooxdaas Maxamed Siciid Atam uu sheegay in uu isaga baxay Kooxda Al-shabab haddana ma jirto cid la xisaabtantay, wallow uu isku dhiibay Dowladda Federalka, waxaana jira warar sheegaya in uu weli gacan saar la leeyahay Kooxda buuraha Galgala.
Saraakiisha sare ee Kooxda Al-shabaab oo ku sugan Koonfurta Somalia ayaa iska diiday inay ku biiraan Kooxda Daacish, lamase garanayo sababta keentay in Faracooda Gal-gala uu go’aan ku gaadho inuu calanka kooxda Daacish ka Taago Goobaha uu gacanta ku hayo.
Dhawaan ayey ahayd markii Kooxda Boko Xaram ee Dalka Nigeria ka dagaallantaa ay si rasmi ah ugu biireen Kooxda Daacish, waxase arrintaas ka cago jiidday kooxda Al-shabaab oo iyadu door bidday inay wali kali ahaantooda sii taagnaadaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com