|

Maamul-goboleedka Jubba Land Oo Ku Dhawaaqay Tallaabooyin Uu Kaga Aargoosanayo Kalsooni kala noqoshadii Baarlamaanka Somalia Shalay Kaga Go’aan Qaatay

Kismayo:June,07,2015(SDN/QJ)-Kadib markii Baarlamaanka Somalia maalintii shalay uu Kalsoonida kala noqday Baarlamaanka Maamul-goboleedka Jubba Land, ayey Maamulkaaso u yeedheen Dhammaan Xildhibaanada kaga jira Baarlamaanka Somalia, waxana ay ugu baaqeen inay muddo koobaan ku yimaadaan Magaalada Kismayo.

fartMadaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Shir Jataa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sharci daro ku tilmaamay mooshinkii shalay Baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyeen.

Waxa uu sheegay Gen. Fartaag in Isbadal deg deg ah ay la iman doonaan maamulkoodu saacadaha soo aadan, mana faah faahin isbadalka Deg dega ah uu ku dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland .

Dhinaca Kale Jen. Fartaag ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Deegaanada Jubbaland in ay si deg deg ah ku yimaadaan Magaalada Kismaayo si ay wadataashi ugala sameeyaan Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.

“Saacadaha soo socda waxaa naga soo bixi doona Isbadal deg deg ah ,w axaan fareynaa Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Jubbaland in ay Kismaayo yimaadaan si wadatashi aan uga yeelanayo Mooshinka lameelmariyay ‘ Ayuu yidhi Jen Fartaag.

Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ay xidhiidhka u jareen Dowlada Federaalka Soomaaliya saacado uun kadib markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen mooshinkii laga gudbiyay Baarlamaanka Jubbaand.

Khilaafka soo kala dhexgalay Dawladda Federalka Somalia iyo Maamulka Jubba ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda meel halis ah gaadhi doono, waxana soo badanaya war warka arrintaas laga qabo iyo  cawaaqibka ka dhalan doona.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed