Urur Samafal oo Shaaciyay in Xisbiga Waddani uu kala Noqday Gaadhi Landcruiser ah oo ay Hore ugu Deeqeen
Hargaysa 06.June 2015 (SDN/QJ)- Ururka samo-falka Midnimo oo ka hawl-gala gobolada bariga Somaliland ayaa eedayn culus u soo jeediyay Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, kadib markii uu ururkaasi ku qaanabay dibna uga ceshaday gaadhi Lancruiser ah oo hogaanka xisbigu hore ugu deeqay ururka.
Tallaabadan ayaa ka dambsay markii ururka Midnimo uu doortay hogaan cusub, isla markaana masuuliyiinta xisbiga Waddani ay u arkeen hogaanka Cusub mid aan taageersanayn mabaadida siyaasadeed ee Xisbigooda isla markaasna aanay danta xisbigooda dhex marsan karin.
Munaasibadda Xisbiga Waddani ay hore gaadhigani ugu wareejiyeen ururka Midnimo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ugu jira beelaha Bariga Burco, Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xoghaya Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Raage, Xoghayaha arrimaha Bulshadda Hinda Xirsi Gaani iyo Xoghayaha Guud ee golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Saddexdani Masuul ayaa ka mid ahaa lafdhabartii ururka dhalinyaradda ee Midnimo u soo xeragalisay baabuurkani oo uu saamiga ugu badan Lacagtiisa bixiyay guddoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Masuuliyiinta ururka Midnimo ayaa sheegay in Xisbiga Waddani uu dib ula noqoshadda gaadhigaasi u wakiisheen Xoghayaha guud ee golaha wakiiladda mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo xisbiga Waddani u saxeexay la noqoshadda Gaadhigaasi iyaddoo ay siddoo kale goob joog ka ahayd Xoghaya Arrimaha Bulshadda Hinda Xirsi Gaani.
Hargaysa SDN/QJ