Mudane Daahir Rayaale Madaxweynihii Hore ee Somaliland oo Dalka ku soo Fool leh
Hargaysa 07.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu maalmahan soo gaadho magaalada Hargeysa, ka dib safar uu muddo laba sanno ku siman kaga maqnaa wadanka.
Madaxweynihii hore oo degen dalka Faransiiska ayaa la sheegay inuu ku suganyahay wadanka Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ku wehelisa xaaskiisa Hud Barkhad.
Lama garanayo in soo laabashada madaxweynuhu la xidhidho arrimo shakhsi iyo inay la xidhiidho khilaafaadka siyaasadeed ee wadanka ka taagan iyo xali u helistooda.
Madaxweyne Rayaale ayaa ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, waxaanu magac iyo sumcad ku helay sidii nabadgelyada ahayd ee uu xilka ugu wareejiyay Madaxweyne Siilaanyo oo doorashada kaga guulaystay sannadkii 2010,Sidoo kale Waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa Madaxweynihii dalka ka hirgaliyay Nidaamka doorashooyinka Xorta ah Isla markaana Mudadii uu Xilka hayay qabtay Afar doorasho oo kala ahaa Doorashooyinkii Golaha Deegaanka,Madaxweynaha oo Laba Jeer ah iyo Tii Golaha Wakiilada.
Hargaysa SDN/QJ