|

Madaxweynayaasha Ugu Mushaharka badan Qaaradda Afrika iyo Soomaaliya iyo Kenya oo Kaalmaha hore ka jira Iyo Warbixin laga soo saaray

London, 07June, 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa la sheegay inuu yahay madaxweynaha ugu musharaka badan qaaradda Afrika, isla markaana sannadkii uu helo lacag gaadhaysa milyan shan boqol mushahar ahaan.

 

warbixinta-300x200Sida lagu baahiyey wargeyska AfricaAnswers oo warbixin ka diyaarisay labaatanka madaxweyne ee Qaarada Afrika ugu mushaharka badan, ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Koonfur Afrika, Aljeeriya iyo Kenya ka galeen kaalmaha labaad, saddexaad iyo afaraad ee ugu mushaharka badan.
Wargeyska AfricaAnswers warbxintiisa ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynahii siddeedaad ee dalkaasi yeesho, ayaa xilkaa qabtay bishii September 2012-kii, waxa lagu sheegay inuu mushahar ahaan u qaato bishii $125,000, (Boqol labaatan iyo Shan Kun) taasoo noqonaysa inuu sannadkii helo lacag gaadhaysa $1,500,000 (Hal Milyan iyo Badh)
Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ku jira madaxeynayaasha ugu mushaharka sareeya qaarada Afrika oo hela sannadkii lacag gaadhaysa $272,000. Sannadkii 2012 waxuu saxeexay xeer u kordhinaya madaxda dawlada 5.5% mushaharkooda.
Madaxweynaha Aljeeriya Cabdulcasiis Boutelfiqa oo ah madaxweynahii shanaad ee dalkaa ayaa xilka hayey ilaa1999. Boutefliqa oo wasiirka khaarajiga Aljeeriya ahaa intaanu madaxweynaha noqon ayaa sannadkii mushar ahaan u qaata168,000
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo madaxweynahii afaraad ee dalkaa ah ayaa xilkan hayey ilaa april 2013. Kenyata ayaa sannad walba hela lacag gaadhaysa $ 132,000. Waxuu tusaale u noqday dhimista mushaharka uu bishii qaato oo ahaa 14,000 ka dhigay 11,000, balse taasi kuma jirto gunooyinka kale uu qaato.
Dhinaca kale warbixintan laga diyaariyey madaxweynayaasha Afrika ugu mushaharka badan, waxa kaalinta labaatanaad ka galay madaxweynaha dalka Zimbabwi Robert Mugabi oo lagu sheegay inuu sannadkii mushahar ahaan u qaato lacag gaadhaya 18 kun dollar, marka laga reebo gunooyinka kale u helo.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed