Amisom iyo Ciidanka Dawlada oo Hawl gal ku qabqabtay 150 Qof oo Ku eedaysan Alshabaab Deegaanka Ceelasha Biyaha
Muqdisho 07.June 2015 (SDN/QJ)- Ciidammada dowladda federaalka ah oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo xalay howgallo ka sameeyay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa kusoo qabtay in kabadan 150 qof oo qaarkood lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in howlgalku uu saakay soo gabagaboobay, islamarkaana la baarayo dadka lagu soo qabtay, iyadoo lasiin deyn doono ciddii lagu waayo wax dambi ah.
Howgalka ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo amniga magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka, si meesha looga saaro falalka amni darri ee mararka qaar ay geysato kooxda Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa laga codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka, ayna kusoo wargeliyaan kuwa wax u dhimaya amniga dalka.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com