|

Xukuumada Jabuuti oo 900 oo askari u diri rabta Soomaaliya

Jabuuti 07.June 2015 (SDN/QJ)- Dowladda Jabuuti ayaa askar gaaraysa 900 waxay u diri rabtaa Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Ciidanka-Jabuuti-ee-AMISOM-300x195Dowladda Jabuuti iyo Midowga Afrika ayaa gaaray heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan inay Jabuuti ciidan dhan 900 oo askari ku biiriso AMISOM.

Labada dhinac ayaa heshiiska Khamiistii la soo dhaafay ku kala saxiixday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Jabuuti waxaa heshiiska u saxiixay danjiraheeda u fadhiya Itoobiya ahna wakiilkeeda joogtada ah ee Midowga Afrika Maxamed Idiris Faarax, halka Midowga Afrika uu u saxiixay Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Nabadda iyo Ammaanka, Smail Chergui.

Guddoomiye Chergui ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda doorkeeda ku aaddan dadaallada qaaradda ee la doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan Soomaaliya iyo sidii nabad iyo ammaan loogu soo dabbaali lahaa dalka Geeska Afrika ku yaalla.

Danjire Maxamed Idiris ayaa sheegay inay Jabuuti dareemeyso inuu waajib ka saaran yahay caawinta Soomaaliya isagoo xusay in ammaanka Soomaaliya uu muhiim u yahay nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Jabuuti.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti oo ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM ayaa horay ugu sugnaa gobolka Hiiraan, iyagoo wax badan ka qabtay nabadgelyada, dhismaha ciidamada, arrimaha caafimaadka iyo bini’aadannimada.

Comments are closed