South Africa: Xogo Iftiimiyay Ku Lug Lahaanshaha Musuqmaasuqa FIFA
K.Africa 06.June 2015 (SDN/QJ)- Warqad uu qoray, madaxii hore ee xidhiidhka kubadda cagta ee Koonfur Afrika, oo si hoose loogu gudbiyay wargeys ka soo baxa dalkaasi waxa ka muuqdo miisaanka eedeynta ah in dawladdaasi ay si hoose u bixisay 10 milyan oo dollar taas oo ay ku adkeysanayaan inaanay laaluush ahayn.
Warqaddan ayaa noqonaysa marag caawinaya eedaha Maraykanku baadhayo ee ah in musuqmaasuq badani ku baahay hay’adda ciyaaraha caalamka ugu saraysa ee FIFA
FIFA ayaa la sheegay in tobannaankii sano ee la soo dhaafay ay uu musuqmaasuq hadheeyay.
Warqadda waxaa la qoray saddax todobaad ka hor intaan lacagtii ugu horeysay la bixinin, taas oo qeyb ka ahayd 10 milyan oo dollar oo South Afrika ay bixisay.
Dhaqaalahaasi ayaa wasiirka ciyaaraha ee Koofur Afrika waxa uu ku sheegay inay ahayd mid ay ku caawiyeen ciyaaraha Caribeanka.
Laakiin galdacwadeedka Mareykanka ayaa lagu sheegay in lacagtaasi ay gashay jeebabka madaxda sare ee FIFA, taas oo lagu badashay in Koofur Afrika laga taageero helidda martigelinta ciyaarihii 2010kii.
Dukumiintigan waxaa saxeexay madaxweynihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta ee South Afrika, Danny Jordaan waxaana loodiray xoghayaha guud ee FIFA Jerome Valcke.
Waxa ay warqadda shaaca ka qaadeysaa sida Mr Jordaan uu FIFA u weydiistay in lacagta la bixiyo iyadoo khadad kala duwan la marsiinayo.
Arrintaasi ayaa sidoo kale la sheegay in lagala tashto wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda.