|

Ciidamadda Liyuu Booliska Oo Xasuuq Badan Ka Gaystay Gobolka Hiiraan

Muqdisho, 06 June 2015 (sdn/qj)- Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali, ayaa ku eedeeyay ciidammada dawlad deegaanka Itoobiya ee Liyu Booliiska inay xasuuqeen shacab deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan.

Ku-simuhu wuxu sidaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay laanta Afka Soomaliga ee VOA

etoobiyaan1‘Waxaan ognahay kana warqabnaa in ciidammo Liyu Booliis ah ku sugan yihiin deegaanka Deefoow oo qiysaatii 46 km u jirta Beledweyne, Waxay Arrintu isku badashay xasuuq iyo in ay dadku hub isugu dhiibaan, wax qarsoon ma’aha oo xitaa xildhibaannada baarlamaanka ayaa arrintaa ka hadlay, siddaa daradeed annaga ka maamul ahaan uma dulqaadan doonno faragalinta intaa la eg,” ayuu yidhi ku-simaha guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Mar la weydiiyay tallaabada ka maamul ahaan ay qaadayaan ayuu sheegay in haddii uu xaalku siddan sii ahaado ku qasban yihiin in ay qadaan tallaabo maletari’Annaga markii hore waxaan is lahayn shir dib-u-heshiisiin ah ayaa socda, ma’aha in colaad la abuuro, balse marka aad eegto sidda ay hadda wax u socdaan waxaan ku qasbannahay inaan Fara-galin ciidan ku samayno Deegannada lagu Dirirayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ku-simaha Gudoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan, Sh. Xuseen Cismaan ayaa noqonaya Mas’uulkii ugu horreeyay ee si toos ah ugu eedeeya ciidanka dawlad-deegaanka Somalida Itoobiya ee Liyuu Booliiska in ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda deegaannada dhac xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dagaallo xulus oo Khamiistii hore ku dhexmaray Deegaanka Deefoow Maleeshiyaad is abaabulay iyo ciidammada Liyuu Booliiska dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux oo labada dhinac ah.

Sidoo kale, Dagaallo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Xuduudda Gobolka Gal-guduud uu la wadaago Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay tiro ka badan 50 ruux.

Comments are closed