Kooxda Daacish oo soo bandhigtay Dagaalyankooda Ugu Faca Weyn, Waddanka Uu u Dhashay Iyo Inta Cimrigiisu yahay
Mousil:June,06,2015(SDN/QJ)-Khaliifada Islaamiyiinta Daacish, ayaa warbaahinta usoo bandhigtay sawirro iyo muuqaalo ay ku sheegeen mujaahidka ugu da’da weyn ciidamadooda, kaas oo sida la sheegay u dhashay waddanka Shiinaha.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Max’ed Amiin, ayaa cimrigiisa lagu sheegay 80-jir, waxana uu waraysi laga qaaday ku sheegay inuu ka yimi Dalka Shiinaha, isagoo haatan ku sugan waddanka Syria.
Sawirada iyo muuqaalka ay kooxda Daacish baahisay waxaa ka muuqanaya Max’ed Amiin oo wata qoriga AK47 marna dul fadhiya qori weyn oo dul saaran gaadhi tikniko ah.
Maxamed Amiin iyo xubno qoyskiisa ka tirsan ayuu sheegay inay kasoo carareen dhulka ay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Shiinaha degaan waxaana uu xusay inuu awood u leeyahay dagaalamo socdana ama uu lugeeyo wax ka badan 4 km.
“Waan kasoo hijrooday dhulka ay gaalada Shiinuhu xooga ku haystaan waxaanse ku haminayaa inaan ka xoreeyo oo ay khilaafadda Islaamku gaadho” ayuu yidhi Maxamed Amiin.
Inuu maalin walba furimaha dagaalka tago oo uu rasaas rido ayuu sheegay 80-jirkan Shiinaha u dhashay ee Daacish hadda ku jiraa.
Max’ed Amiin waxaa uu ka tirsanaa Muslimiinta cadaadiska la saaro ee dega gobolka Shiinjiin waxaana warbaahinta Shiinuhu sheegeen inuu imam masjid ahaa.
Dhulka Muslimiinta Shiinaha waagii hore waxaa loo yaqaanay Turkestan waxaana Muslimiinta hadda dalka Shiinaha ku nool la kulmaan culays adag oo dhanka dawlada kaga yimaada.
“Hadda waxaan ahay shaqsi awood leh oo dagaalami kara kadib markii aan tababar qaatay hubna helay” ayuu yidhi Ninkan ay Daacish soo bandhigeen ee loo aqoonsaday dagaalamaha ugu da’da weyn ee Daacish ku jira.
Sidoo kale muuqaalka Dacish waxaa kasoo muuqday caruur yar yar oo Shiinays ah, kuwaas oo tababar iyo casharro diini ah qaadanaya qaarkoodna waxayba ku hanjabayaan inay Shiinaha ka xoreynayaan gobolada Muslimiintu degaan.