Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Madaxweynaha K/Afrika
Cape Tawn:June,06,2015(SDN/QJ)-Kulan gaar ah, ayaa Dhexmaray madaxweynaha Waddanka K/Afrika Jacob Zuma iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, kadib markii maalintii shalay lasoo afmeeray shirkii Ganacsiga Afrika ee Waddaankaas ka socday lasoo afmeeray.
Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka qaybgalay shirkii lagaga hadlayay dhaqaalaha Qaaradda Afrika (World Economic Forum on Africa), ayaa Madaxweyne Zuma kulan muddo saacado ah socday la qaatay, iyadoo doodda lagu saleeyey Baahiyaha somaliland haatan qabto iyo sidii la isu kaashan lahaa.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis iyo Madaxweyne Jacob Zuma, waxay si kooban u wadaageen hadal kadib markii Ajandaha lagaga hadlayay aragtiyaha ku aadan kaabayaasha Afrika ee mustaqbalka la soo xidhay.
Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis ka qaybqaatay Ajandaha lagaga hadlayay nabadgelyada Afrika iyo Ajandeyaal kale oo dhammaantood khuseeyay arrimaha Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, caqabadaha ka jira xagga waxsosoaarka warshadaha, diyaarinta hoggaamiyayaasha waajahaya carqalabadda nabadgelyada mustaqbalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhinicisa wuxu aad uga hadlay heerarka sarreeya ee shaqo nabadgelyada ka jirta mujtamaca dhalinyarada ah ee qaarada Afrika iyo fursadaha xadidan ee horumarinta xirfadaha iyo shaqada oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku noqonayaan xasiloonida, waxanu soo jeediyay talooyin tiro badan oo dhibaatooyinkan xal u noqon kara sida siyaasado waafi ah oo dawladuhu ka yeeshaan xagga waxka qabashada sinnaan la’aanta, horumarinta waxbarashada xirfadaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dibadeed ee tooska ah Waxa ka mid ahaa Masuuliyiinta ay Wasiirka ka wada-qaybqaateen doodaha kala duwan ee ajandayaashan sare, Masuuliyiin xilal sare haya oo metelyay waddamada Koonfur Afrika, Malawi, Canada, Uganda, Uk iyo kuwo kale.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland wuxu waraysi faahfaahsan siiyay Warbaahinta caalamiga ah ee CNBC, kaasoo uu kaga hadlay nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso, sida ay halbawle ugu tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo qaaradaba iyo weliba iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee dalka dhinacyada horumarka iyo siyaasadaba oo uu su’aale badan kaga jawaabtay.
Faahfaahinta kulanka Wasiir Biixi waxa saxaafadda soo gaadhsiiyey Xafiiska dhinaca warbaahinta u qaabilsan wasaarada arrimaha dibadda Somaliland
SDN/QJ