Shirkii Golaha Wasiirrada ee Shalay Oo Lagu Gorfeeyey Mucaaridadda uu Guddoomiye Saleebaan Kala Horyimi Heshiiskii Dhawaan La Gaadhay iyo Nuxurka Xalal Dhawr ah Oo Lasoo Jeediyey
Hargeysa:June,05,2015(SDN/QJ)-Shirkii Golaha Wasiirrada ee Maalintii shalay, ayaa si weyn loogu lafo guray arrimo u badan xaaladda siyaasadeed ee dalku haatan galay iyo waliba Muranka Guurtidu ka keentay Hannaankii xukuumaddu u turxaan saartay Khilaafkii ka dhashay Muddo-kordhinta.
Sida Ilo Xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Hubaal, waxa Shirkaas Golaha Wasiirrada oo uu Shirguddoominayey Madaxweyne Siilaanyo lagaga Hadlay Khilaafka wali taagan ee Golaha Guurtidu dabada ka riixayaan iyo Hadallada aan qarsoonayn ee Guddoomiye Saleebaan ku duray Heshiiskii xukuumadda iyo Axsaabta qaranku gaadheen, iyadoo talooyin badan laga dhiibtay sida arrintan looga gudbi karo.
Warku waxa uu intaas ku daray in inta badan Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynuhuba ka sinnaayeen warwarka laga qabo in muddadii sharciga ahayd ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa lagu sii dhawaanayo, iyadoo aan la xallinin khilaafkii Muddo-kordhinta ka dhashay, waxana ra’yiyo kala duwan laga soo jeediyey sida Arrintan looga bixi karo iyo xalka loo hayo.
Xubno wasiirrada ka mid ah, ayaa sida ilahaasi noo xaqiijiyeen hogo tusaaleeyey in baahi weyn loo qabo in Golaha Guurtida madaxtooyadu ku qanciso inay ixtiraamaan Waxyaabaha Xisbiyada iyo xukuumaddu ku heshiiyeen, isla-markaana xeer jajab lagu dhaafo caqabaddan ay Haatan Guurtidu hordhigeen Heshiiskaas shacabka iyo Caalamkaba Yididiilada geliyey.
Sidoo kale xubno wasiirrada kamid ah, ayaa soo jeediyey in odhaahda Guurtida kasoo noqotay tahay mid sharci ah, balse tanaasulku meesha yaallo, loona baahan yahay in haatan cidda tanaasulaysa ay guurtida noqoto, maadaama Wakhtigu cidhiidhi yahay.
Ra’yiyada kale ee Lasoo jeediyey, ayaa waxamid ah in Shirguddoonka Guurtida oo loo arko cidda talada Odayaashu ka Go’do casuumad gaar ah loo sameeyo, isla-markaana madaxweynuhu ka dhaadhiciyo baahida loo qabo in xaaladdan waddanka laga saaro, isla-markaana sharcidarro kasta oo ay tahay la ixtiraamo heshiiskii xisbiyada iyo Xukuumaddu gaadheen.
Waxa sidoo kale halkaas laga soo jeediyey inay hor u guuldarraysteen iskudayo badan oo kahor intii aan heshiisku dibadda usoo bixin la isku dayey in Guddoomiye Saleebaan Arrinta lagaga dhaadhiciyo, balse waxa aan meesha laga saarin inay jiraan Rajooyin kale oo Guddoomiyaha Arrinta lagaga dhadhicin karaa.
Waxyaabaha kale ee Halkaas lagu gorfeeyey waxa kamid ahaa in Mucaaridku sugayaan in Komishanku shaaciyaan xilliga ay doorashadu qabsoomayso, isla-markaana uu madaxweynuhu digreeto kusoo saaro xilliga Komishanku haatan cayimaan, taas oo udub dhexaad u noqon karta inay mucaaridku ku qancaan Hirgelinta Heshiishkii dhawaan la gaaday, waxana la isdareensiiyey in xilligaasi kasoo hormarto 26-ka Bishan June oo ah Xilligii shan sano kahor madaxweyne Siilaanyo la doortay.
Kulankaas oo aad uxiiso badnaa, ugu dambayntii lagu kala dhaqaaqay in kahor inta aanay Bisha Ramadaan soo gelin lasoo gunaanado saluugga Guurtidu ka muujisay Heshiiskaas, isla-markaana loo Gudbo sidii loosii wadi lahaa tallaabooyinka hirgelin kara in laga Gudbo Caqabadaha hortaagan inay Doorashooyinku Qabsoomaan oo kamid ahayd waxyaabihii dhawaan lagu heshiiyey.
Xigasho:Wargeyska Hubaal.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com