|

Wafdi ka socday dowladda mareykanka oo la kulmay madaxda sar-sare ee dowladda

Muqdisho June 04,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud, Ra’iizul wazaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo waziirka arimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Cumar Hadliya ayaa si wadajir ah u qaabilay wafdi ka socdayd dowladda mareykanka oo muqdisho soo gaaray.

Wafdigaani ka socday dowladda mareykanka waxaa hogaamineysay Danjire Tina Kaidanow oo ah Xiriiriyaha Hawlgallada la Dagaallanka Argagixisada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.

Kulankooda ayaa ahaa mid saacado badan qaatay isagoona diiradda ku saaray xaaladaha amaanka iyo isbadalada siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iizul wazaaraha Soomaaliya oo si kooban usoo saaray warsaxaafadeedyo ay kulankaani ugu hadlayeen waxa ay ku sheegen in wafdiga ka socday dowladda mareykanka ay u sheegeen in amaanka dalka uu yahay mid kasoo roonaanayo sidii uu ahaa muddo kahor taasi ay sabab u yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Mareykanka ayaa dhawaan waxa uu sheegay in uu dib ugula laabtay Soomaaliya safiiraddii ay usoo magacaabeen kadib markii ay iska casishay xilkaasi, sidoo kale Soomaaliya waxaa booqasho saacado kooban ah ku yimid Waziirka arimaha dibadda mareykanka isagoona muqdisho kula kulmay madaxda dowladda iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ka jira.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed