|

Nicholas Kay Oo Mar Kale Ka Hadlay Heshiiska Xisbiyada Iyo Muddo Kordhinta Guurtida

Nairobi 04.June 2015 (SDN/QJ)- Ergeyga QM ee Soomaaliya Mr. Kay oo shalay ka jawaabayey su’aalo lagu weydiinayey bartiisa Twitter ayaa sheegay in arrimaha ku saabsan doorashooyinka Somaliland lagu dhameeyo qaab dastuuri loo dhan yahay oo nidaamka dimoqraadiyada la raacay.
Arrimaha doorashooyinka waa in lagu dhameeyo qaab dastuuri loo dhan yahay oo nidaamka dimoqraadiga la raacay.”

nicholas kayMr. Kay oo la weydiiyey in xisbiyada Somaliland gudahooda ka dhamaysteen khilaafkii ka taagnaa arrimaha doorashooyinka ayaa ku jawaabay inuu weli taagan yahay khilaafkii maadama guurtidu diidan tahay.

“Arrinkii weli xal lagama gaadhin, xisbiyadii way heshiiyeen laakiin, guurtida ayaa diidan.”
Dhinaca kale faragelinta arrimaha gudaha Somaliland ee ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa imanaya xilli uu shalay ka baaqsaday ka jawaabista su’aalo badan oo laga weydiiyey taageerada Somaliland ka hesho Qaramadda Midoobay iyo wada shaqeyn ka dhexeysa xukuumada inay jirto.

Comments are closed