|

“Anigu Da’dii xisbi furan lahayd ma joogo, haddii qaranku garto in xilka la iga qaadana waa iga qaadi karaa,”Guddoomiye Saleebaan.

Hargeysa:June,04,2015(SDN/QJ) -Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soamliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horraysay Jawaab adag ka bixiyey  hadallo uu dhawaan Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland ku dhaliilay, kuwaas oo salka ku hayye doorka Hoggaamineed ee Guddoomiye Saleebaan.

saleebaanGuddoomiye Saleebaa oo shalay arrintan jawaab ka bixinayey, ayaa sheegay in talada uu hayo laga qadi karo markasta oo la is bido in laga maarmi karo, taasina ay tahay wax iska caadi ah.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in nin iska hadlay aanu jawaab siin doonin, isla-markaana uu  ra’yigiisa ku hadlay,“waxay ila tahay haddii qaranku garto in xilka la iga qaado waa iga qaadi karaa, laakiin nin meelahaas ka Hadlay dhegaysan maayo una jawaabi maayo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Saleebaan oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku adkaystay inuu ku taagan yahay Dariiqii uu jeexay Guddoomiyhii isaga ka horreeyey Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxana uu yidhi,“Tallaabadii uu sheekhu ka tegay  waa ku taaganahay waana wadnaa, Anigu Da’deedii xisbi furan lahayd ma joogo”

Waxa uu Guddoomiye Saleebaan ugu dambayntii sheegay inuu madaxweyne siilaanyo mudan yahay in lagu ixtiraamo madaxweynenimada,“Siilaanyo waa Madaxweynihii qaranka waana ku xurmaynayaa isaguna(Cawil)inuu ku xurmeeyo weeye” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed