Gudoonka baarlmaanka oo guddiyada joogtada ee baarlamaanka Soomaaliya amray la xisaabtanka xildhibaanada maqaan
Muqdisho June 02,2015(SDN/QJ)-Jeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha shacbiga Soomaaliyeed ayaa guddiyada joogta ah ee baarlamaanka faray la xisaabtanka xildhibaanada ka maqan kalfadhiyada baarlaamka.
Waxaa dhacday labadii maalmood ee lasoo dhaafay in dib udhac uu ku yimid qaadista mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubbaland taasi oo loo sababeeyey kooramka Xildhibaanada oo aanan dhameyn tirada uu dastuurka qabo marka cod la qaadayo.
Gudoonku waxa uu si toos ah ugu baaqay Xildhibaanada baarlamaanka ee ka maqan kalfadhiyada in ay soo xaadiraan si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo maadaama iminka ay hor yaalaan hinsiyo sharciyeedyo kala duwan meel marintooda looga fadhiyo.
Gudoonka baarlamaanka ayaa dhawaan sidaan oo kale mar ay dhacday in Xildhibaanada baarlamaanka aysan usoo xaadirin sidii looga baahnaa sheegay in Xildhibaankii maqnaado Cudur daar la’aan laga jari doono lacag gaareyso $100 iyadoona arintaasi si gacan taag ah ay u aqbaleen Xildhibaanadii kal fadhiga fadhisay.
Gaba-gabeynta mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa caqabad ku noqotay Xildhibaanada federaalka iyadoona ay siyaabo kala duwan ay ugu hadlayaan xildhibaanada kala daabacsan Mooshinka iyo waliba kuwa kasoo horjeeda.
SDN/QJ-Muqdisho