“Waxaan Iska Casilay Gudoomiyenimadii Xidhiidhka Kubada Cagta Adduunka ee Fifa” Mr. Sepp Blatter
Zurich 03.June 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA Mr. Sepp Blatter, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas gelinkii dambe ee shalay .
Blatter oo 79 jir ah ayaa markii shanaad loo doortay xilka ugu sarreeya FIFA ee uu iska casilay maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay, ayaa sida la sheegay waxay iscasilaaddiisa degdegga ah salka ku haysaa sababo la xidhiidha fadeexado musuqmumaasuq oo dhaawacay sumcaddii xidhiidhka FIFA.
Shir-jaraa’id oo Blatter ku qabtay magaalada Zurich ee dalka Switzerland gelinkii dambe ee shalay ayuu kaga dhawaaqay iscasilaaddiisa oo ku soo beegantay maalmo kadib markii FBI-da Mareykanku weerareen hudheello ku yaal Zurich, halkaas oo ay ka xidh-xidheen saraakiil ka tirsan FIFA oo lagu adeeyey arrimo musuqmaasuq.
Sepp Blatter oo 17 sanno ahaa madaxweynaha FIFA, ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono kulan aan caadi ahayn oo markale lagu dooran doono masuulka isaga beddelaya.
Baaqyo ka imanayey qaar ka mid ah madaxda xidhiidhka kubadda cagta ee adduunka ayaa ku boorriyey Blatter inuu is-casilo, kaddib markii ay soo ifbaxeen fadeexadaha musuq ee dul hoganaya Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka.
Maalintii Jimcaha ee toddobaadkan ayey ahayd markii Blatter kaga guuleystay 133 cod murashaxii kula tartamayey xilka uu iska casilay Mr. Cali Bin Al-Xuseen oo helay 73 cod, kadibna ku dhawaaqay in uu ka hadhay wareeggii labaad ee tartanka doorashada.
Zurich SDN/QJ