|

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo Punt land ku Sugan iyo Khudbad uu ka Jeediyay Jaamacada PSU

Garowe 03.June 2015 (SDN/QJ)-Kulan su’aalo lagu waydiinayay Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa maalinkii shalay waxaa lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda Puntland State University ee Garowe, waxana kasoo qayb galay Ardayda Jaamacadda iyo aqoon yahanka Pl.

Ugu horayntii Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa goobta kasoo jeediyay, wuxuna diiradda ku saaray sida loo baahan yahay in laga shaqeeyo horumarinta umadda Soomaaliyeed iyo siduu ku bilowday falalka Burcad badeeda iyo sida lagu joojiyay.

PROFProfessor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin farabadan kala kulmeen burcad badeeda sidoo kalena ay jireen gacmo kamadax banaan kooxaha qowlaysatada ah oo dhankooda ganacsi ka sameeyey arrintaani.

Kasoo qayb galayaashii kulankan oo ardaydda Jaamacadda PSU iyo aqoon yahan iskugu jiray ayaa Prof,Samatar waydiiyay su’aallo ay ka mid yihiin xaalada Siyaasadeed ee dalka, helitaanka dowladda midaysa shacabka, iyo socdaalkiisa Puntland, wuxuna dhammaan si fudud uga jawaabay su’aalihii la warsaday oo ugu badnaa in xaalada dalka laga waramo.

Maamule ku xigeenka Jaamacadda PSU Burhaan Aadan Cumar ayaa marka hore u mahad celiyay sida wanaagsan ee uu Prof Cabdi Ismaaciil uga waramay xaalada dalka iyo socdaalkiisa Puntland, wuxuna sheegay kulankan inuu yahay mid taariikhi ah oo aan la ilaawi doonin.

PSUSidoo kale ardaydda Jamacadda ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideen Professorka khudbadiisii, waxay kaloo sheegeen inay mar kasta diyaar u yihiin soo dhawaynta dadka aqoonta wehelka u ah si cilmi iyo waayo aragnimo loogala haro.

Maalmahan soo socda ayaa lagu wadaa Cabdi Ismaaciil Samatar inuu ka dhoofo Puntland, isagoo sheegay inuu cilmi baarista uu wado ay ku saabsan tahay shacabka iyo caqabadaha haysta.

Garowe SDN/QJ

contac@qurbejoog.com

Comments are closed