|

Dib u dhigis lagu sameeyay Fulinta Xukunkii Dilka ahaa ee lagu riday Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi

Qaahira 03.June 2015 (SDN/QJ)- Maxkamad ku taal magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, ayaa maanta dib u dhigtay go’aanka kama dambeyska ah ee xukunka dilka ah ee bishii hore lagu xukumay Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi.

Mursi MohamedGarooraha Maxkamada ayaa kiiskan dib u dhigay ilaa 16-ka June ee bishan, iyadoo horay Maxkamadda ay u riday go’aanka xukunka dilka ah 17-kii bishii hore ee May.

Maxamed Mursi ayaa dhageysanayay dacwadiisa, isagoo ku jiray qolka Maxkamada, waxaana wehliyay xubno kale oo ku qeylinayay hadalo ka dhan ah Milateriga.

Maxkamada Masar ayaa la xukuntay Maxamed Mursi ilaa 105 qof oo kale oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen xabsi la jabsaday oo ay maxaabiis ka baxsadeen sanadkii 2011.Go’aanka kama dambeysta ee xukunka dilka waxaa gaari doona Muftiga ugu sareeya xaga diinta, waxaana ay tahay mid si aad ah isha loogu haayo go’aanka uu gaari doono Muftiga. Bishii April ayay aheyd markii Maxkamad ay ku xukuntay Maxamed Mursi illaa 20 sano, isagoo lagu eedeeyay inuu amray xariga iyo jirdilka dad dibad baxayaal ah oo ku dibad baxay banaanka hore ee Madaxtooyada bishii December 2012.

Qaahira SDN/QJ

contac@qurbejoog.com

 

Comments are closed