Madaxweynaha Somalia oo Khartum kaga qayb galaya Dhaarinta Mudo Xileedka Cusub ee Madaxweyne Al Bashiir
Khartum 02.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu Hoggaaminayo, ayaa caasimada dalka Sudaan ee Khartoum kaga qayb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo dib loo doortay.
Xasan Sheekh ayaa xafladda kaddib kulan la qaatay Al-Bashiir oo ay wadahadleen xiriirka labada dal, isagoo ugu hambalyeeyay madaxweynaha dalka Sudan dib u soo doorashadiisa.
Sidoo kale, labada madaxweyne ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya wadamada Somalia iyo Sudan; iyadoo intuu kulanku socday uu ballan-qaaday madaxweynaha Suudaan inuu kordhin doono tageeradda dhinacyadda kala duwan leh ee dowladdiisu ay siiso Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Sudan sida ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Sudan ay inta badan deeq waxbarasho oo jaamacadeed siiso Ardayda Soomaaliyeed ee ka baxa Dugsiyada ku yaalla Dalka.
Ugu dambayn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu joogay Khartoum waxa uu kulammo kala duwan la qaatay masuuliyiinta xukuumadda Sudan iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Dalka Suudaan.