|

“Saleebaan Oo Kale Meel Ka Dhac Ayuu Ku Yahay In, Lagu Tilmaamo Guurti” Cali Guray

Hargaysa 02.June Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa ka hadlay khilaafka Golaha Guurtida ay kaga soo horjeesteen heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo Xukuumadda Somaliland.

cali guraya“Guurtidu ka mid maaha dadka doorashada wax ku leh,doorashadu waxa ay ka dhacaysaa oo ku tartamaya Saddexda xisbi,Komiishanka Doorashooyinka ayaa masuul ka ah doorashadu in ay qabsoonto,doorasho ay qabanayaan Saleebaan iyo Guurtidu 2017-ka iyaga ayay u taal,cida ay u qabanayaan ee tartanka ku jirtaana iyaga ayay u taal,laakiin arinka saleebaan waa wax gaar ah waxa lagu heshiiyayna waa wax gaar ah,” ayuu yidhi Mudane Cali Guray.

Cali Guray oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Ku qabso ku qadi mayside awal hore dhulka ayay ahayd,lakiin maanta Siyaasadii ayay soo gashay,markaas mashruuc saleebaan iyo guurtidu kama badna ku qabsa ku qadi mayside,ana waxaan idhaah lacagtii hore ee ay qateen waxa ay ahaydtii lagu hawl galinayay,lakiinse haday macaa aanay ka noqon doorashada ay Axsaabtii iyo xukuumadu ku heshiiyeen iyo beesha caalamkuna la ogashay isma hortaagi karo saleebaan,lama odhan karo tariikhda doorashada guurtida ayaa cayimaysa.”

Muj. Cali Guray waxa uu intaas ku daray “Saleebaan oo kale meel ka dhac ayuu ku yahay in lagu tilmaamo guurti oo runtii maaha,halkan waxaan ku arkayay cawil oo kula talinaya inuu yeelo maanta oo kalaa wixii uu yeeli lahaa hadii uu nool yahay sheekh ibraahin sheekh yuusuf madar saleebaan kaas manoqon karo cidna wuu ka aargoosanayaan kaasina waa siilaanyo,dhinacna qolo ayaa daba socota oo inta ku xeerani dan ayay ku fushanayaan,shirqool intaas ka fog haduu yahay oo saleebaan aanu dan gaar ah ka lahayn waxaan qabaa in ay talada umadu tahay wixii ay ku heshiis tahay in laraaco,hadii siilaanyo digreeto ku soo saari waayo wakhtiga doorashada,waxaanu u qaadanaynaa waxa lagu heshiiyay in ay ka baxeen xisbiga kulmiye iyo Xukuumadu.”

Comments are closed