Baadari Somalia Lagu Dilay 35-Sano Kahor Oo Shabaabku Tilmaameen Inuu Sheekh Xasan Turki Masuul Ka Ahaa
Muqdisho:June,02,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa shaaciyey sheeko si weyn looga Hadal hayo Gudaha Somalia, kadib markii ay tilmaameen in Sheekh Xasan Turki oo dhawaan Geeriyooday uu ku lug lahaa Dil wakhti hore loo geystay Baadari Somali lagu dilay.
Warkaas oo laga sii daayey idaacadda Al-Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab waxaa la xaqiijiyay in dil Magaalada Muqdisho Sanadkii 1980-kii Baadari talyaani ahaa oo lagu magacaabi jirey Salvador Colombo maskaxdii ka dambaysay ay ahayd midda Sheekh Xasan Turki.
Wadaadkan u qaabilsanaa diinta masiixiga faafinta ayaa lagu dilay Muqdisho waxaana kooxda Al-Shabaab ay hadda 35 sano kaddib sheegtay in kooxdii dishay Baadariga uu soo qaban-qaabiyay lahaana mas’uuliyada wadaadkii geeriyooday ee Xasan Cabdalla Xirsi Turki.
Baadarigan ayaa madax ka ahaa kaniisada Faatikaanka ee ku taalay Muqdisho waxaana dilkiisa laga dhigay markaa mid dusha loo saaro dowladdii Kacaanka.
Marar hore waxaa kooxda dhexdeeda dhex socday Tuhuno ah cida ka dambeysay falkaa oo u eg hadda falalka dhaca maadama koox hubeysan oo kooban misna Tababa baran ay qorshaa fulisay xili dalka Fikirkan diinta lagu dagaalamo uusan yaalin.
SDN/QJ