Xaddidaad La Saaray Shuruucda Dhegaysiga Shacabka Maraykanka, Kadib Markii Wakhtigii Sharcigaasi Dhacay
Washington:June,02,2015(SDN/QJ)-(berberanews)Sharciga hay’adda NSA ee dalka Maraykanka awooda u siinaayey in ay duubaan isla markaana dhegayestaan teleefoonada dadka Maraykanka ayaa waqtigiisi dhacay, waxaana golaha Senate-ka Mraykanku ku guuLdaraysteen in muddo kordhin loo sameeyo, kadib markii qaar kamid ah golaha Shuyuukhdu ay go’aan ku gaadheen in xiligiisa la dhaafiyo si uu u noqdo mid dhaca iyada oo aan wax natiijon ah la gaadhin, waxaana uu si rasmi ah u dhacay Axad 04:00 GMT.
Sharcigan oo lagu magacaabo Patriot Act ayaa dalka Maraykanka laga hirgeliyey sanadkii 2001, markaas oo diyaraado la soo afduubtey lagu weeraray Magaalooyinka New York iyo Washignton, weerarkaas oo caalamka oo dhanwax ka bedalay.
Go’aankan ayaa niyad jab ku noqdey Hoggaamiyaha Senate-ka Mitch McConnell, oo isagu doonayey in muddada loo kordhiyo sharciga Patriot Act.
Sharciga Patriot Act Waxaa si weyn uga horyimid koox ka mid ah aqalka Shuyuukhda oo uu wato Musharaxa xilka Madaxweynaha Rand Paul, oo khudbado dhadheer waqtigii uga qaadey.
“Ma duubayno, macluumaadka dadka argagixisada ah, ee waxaan ururinaynaa oo duubeynaa dhamaan dadka Maraykanka ah. ‘Markasta’. Hore waxaa loo yidhi sidaas ma samayno: “Waynu samaynaa, waxaa la ururiyaa oo la dhegaystaa waa idinka”, waa in aan ka gilgilano waxaas, sidaas waxaa yidhi Rand Paul Senator-ka laga soo dooro gobolka Kentucky, isla markaana ah Musharaxa xilka Madaxweynaha 2016 ee xisbiga Jamhuuriga.
Aqalka Cad ee looga arrimoyo Maraykanka ayaa ku tilmaamey in golaha Shuyuukhdu ku guuldaraystaan muddo kordhinta sharciga Patriot Act, mid ah “Masuuliyad Darro”.
Sharcigan ayaa hadda dib ugu nqonaya Aqalka Kongresska oo uu hore uga soo gudbey.
Servera-da lagu duubi jirey wada hadlada iyo macluumaadka isla markaana lagu basaasi jirey dadka kale ayaa isla subaxnimadii shalay oo Isniin ah la demiyey.
Tan iyo Markii Edward Snowden ka shifey shaqada ay hayso hay’adda NSA ee dlka Maraykanka sanadkii 2013, waxaa dadka Maraykanku aad uga wel-welsanaayeen xornimadii ay ku naloon jireen.
SDN/QJ