|

Chine:Ciidamo Loo Sameeyey Hirgelinta Shuruuc Adag Oo Sigaar-cabista Laga Soo Saaray Iyo Qaddarka Lacacta La Saaray Cidda Jabisa

Beijing:June,01,2015(SDN/QJ)-Waddanka Shiinaha oo kamid ah dalalka dunida ugu sigaar cabista badan, ayaa hirgeliyey sharci cusub oo lagu yaraynayo tirada dadka sigaarka sida joogtada ah u cabba.

fiirCilmi baadhis la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka chineeska ah ee caba Sigaarka ay kor u dhaafayaan 300 oo milyan oo qof, waxaana Shiinaha uu safka hore kaga jiraa dallka ugu badan ee dadkoodu sigaar cabista ay ku waalan yihiin.

Dowlada Shiinaha ayaa soo saartay amar adag oo looga mamnuucayo in sigaarka lagu cabo Goobaha Bulshada ku kulmaan Sida Maqaayadaha, Xafiisyada, Goobaha basaska iyo Tareenada laga raaco ee kuyaala Magaalada Beijing ee Caasimada Shiinaha.

Sharcigan ay Dowlada Shiinaha kaga mamnuucday in sigaarka lagu cabo goobaha bulshadu ku kulmaan ayaa dhaqan galaya maanta oo isniin ah, waxaana hir galinta sharcigan loo xil saaray kumanaan askari kuwaa oo kormeeri doona goobaha ay bulshadu ku kulmaan si ay u eegaan dadka jabiya sharcigan.

Qofkii jabiya Sharcigan cusub ee lagu mamnuucay in goobaha Bulshadu ku kulanto sigaar lagu cabo ayaa lagu soo rogi doonaa ganaax lacageed oo gaadhaya 30-Dollar , dadka Shiinaha ayaana argtiyo kala duwan ka dhiibtay sharcigan cusub ee lagusoo rogay.

Cabista sigaarka ama dadka isticmaala Tubaakada ayaa lagu qiyaasaa 1.45 bilyan oo qof. ku dhawaad Hal bilyan oo dhiganta (80%) ayaa la sheegay iney ku nool yihiin waddamada soo koraya, waxaana cabista sigaarka ku badan sida lagu ogaaday cilmi baadhisyo la sameeyay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed